وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلنَّشۡأَةَ ٱلۡأُولَىٰ فَلَوۡلَا تَذَكَّرُونَ

Dhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.


أَفَرَءَيۡتُم مَّا تَحۡرُثُونَ

Ka warrama waxaad beereysaan.


ءَأَنتُمۡ تَزۡرَعُونَهُۥٓ أَمۡ نَحۡنُ ٱلزَّـٰرِعُونَ

Ma idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.


لَوۡ نَشَآءُ لَجَعَلۡنَٰهُ حُطَٰمٗا فَظَلۡتُمۡ تَفَكَّهُونَ

Haddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).


إِنَّا لَمُغۡرَمُونَ

(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.


بَلۡ نَحۡنُ مَحۡرُومُونَ

Mase waa nala hoojiyay.


أَفَرَءَيۡتُمُ ٱلۡمَآءَ ٱلَّذِي تَشۡرَبُونَ

Ka warrama Biyahaad cabbaysaan.


ءَأَنتُمۡ أَنزَلۡتُمُوهُ مِنَ ٱلۡمُزۡنِ أَمۡ نَحۡنُ ٱلۡمُنزِلُونَ

Ma idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.


لَوۡ نَشَآءُ جَعَلۡنَٰهُ أُجَاجٗا فَلَوۡلَا تَشۡكُرُونَ

Haddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).



الصفحة التالية
Icon