مَا قَطَعۡتُم مِّن لِّينَةٍ أَوۡ تَرَكۡتُمُوهَا قَآئِمَةً عَلَىٰٓ أُصُولِهَا فَبِإِذۡنِ ٱللَّهِ وَلِيُخۡزِيَ ٱلۡفَٰسِقِينَ

Wixii aad gooysaan oo geed ah (qq Cadawga) ama aad daysaan iyadoo ku taagan Salkeeda waa idinka Eebe iyo inuu dulleeyo Faasiqiinta.


وَمَآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡهُمۡ فَمَآ أَوۡجَفۡتُمۡ عَلَيۡهِ مِنۡ خَيۡلٖ وَلَا رِكَابٖ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يُسَلِّطُ رُسُلَهُۥ عَلَىٰ مَن يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Wixii Xoola ah ee Ilaahay Nabiga uga soo celiyo Gaalada isagoon Fardo iyo awr lagu dagaallamin waxaa amarkiisa leh Nabiga Eebana Cidduu doono yuu ku diraa Rasuulkiisa, wax walbana Eebe waa karaa.


مَّآ أَفَآءَ ٱللَّهُ عَلَىٰ رَسُولِهِۦ مِنۡ أَهۡلِ ٱلۡقُرَىٰ فَلِلَّهِ وَلِلرَّسُولِ وَلِذِي ٱلۡقُرۡبَىٰ وَٱلۡيَتَٰمَىٰ وَٱلۡمَسَٰكِينِ وَٱبۡنِ ٱلسَّبِيلِ كَيۡ لَا يَكُونَ دُولَةَۢ بَيۡنَ ٱلۡأَغۡنِيَآءِ مِنكُمۡۚ وَمَآ ءَاتَىٰكُمُ ٱلرَّسُولُ فَخُذُوهُ وَمَا نَهَىٰكُمۡ عَنۡهُ فَٱنتَهُواْۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَۖ إِنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعِقَابِ

Wixii Xoola aha ee Ilaahay ku soo celiyo ee uga yimaadda Degmooyinka Yuhuudda Rasuulkiisa; waxaa leh Ilaahay, Rasuulka, Qaraabada, Agoonta, Masaakiinta iyo Musaafiriinta «socdaalka» si ayan u noqon wax ku wareegaysta kuwa Hodanka ah dhexdooda wuxuu Rasuulku dadka siiyo ama faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana waa inay ka reebmaan, Eebana waa in laga dhawrsado, maxaa yeelay Ciqaabtiisu waa darantahay.



الصفحة التالية
Icon