كَلَّا لَا وَزَرَ

Saas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).


إِلَىٰ رَبِّكَ يَوۡمَئِذٍ ٱلۡمُسۡتَقَرُّ

Xagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.


يُنَبَّؤُاْ ٱلۡإِنسَٰنُ يَوۡمَئِذِۭ بِمَا قَدَّمَ وَأَخَّرَ

Waxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.


بَلِ ٱلۡإِنسَٰنُ عَلَىٰ نَفۡسِهِۦ بَصِيرَةٞ

Ruux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.


وَلَوۡ أَلۡقَىٰ مَعَاذِيرَهُۥ

Si kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).


لَا تُحَرِّكۡ بِهِۦ لِسَانَكَ لِتَعۡجَلَ بِهِۦٓ

Ha Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).


إِنَّ عَلَيۡنَا جَمۡعَهُۥ وَقُرۡءَانَهُۥ

Annagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.


فَإِذَا قَرَأۡنَٰهُ فَٱتَّبِعۡ قُرۡءَانَهُۥ

Ee Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.


ثُمَّ إِنَّ عَلَيۡنَا بَيَانَهُۥ

Annagaana isasaarray Cadaayntiisa.


كَلَّا بَلۡ تُحِبُّونَ ٱلۡعَاجِلَةَ

saas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).



الصفحة التالية
Icon