إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَٱلَّذِينَ هَادُواْ وَٱلنَّصَٰرَىٰ وَٱلصَّـٰبِـِٔينَ مَنۡ ءَامَنَ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَعَمِلَ صَٰلِحٗا فَلَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

kuwwi rumeeyey iyo kuwii Yuhuudda ah iyo Nasaarada iyo saab'iiinta cidii rumeysa Eebe iyo Maalintii dambee oo camal suubanna falay waxay ku leeyihiin Eebe agtiisa ajir, cabsina korkooda ma noqoto mana tiiraanyoodan.


وَإِذۡ أَخَذۡنَا مِيثَٰقَكُمۡ وَرَفَعۡنَا فَوۡقَكُمُ ٱلطُّورَ خُذُواْ مَآ ءَاتَيۡنَٰكُم بِقُوَّةٖ وَٱذۡكُرُواْ مَا فِيهِ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ

Xusa markaan idinka qaadnay ballan (adag) oo korkiina yeelay (Buurta) Dhuur oon idinku nidhi ku qaata waxaan idinsiinay niyad adag, xusuustana waxa ku sugan, si aad u dhawrsataan.


ثُمَّ تَوَلَّيۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَۖ فَلَوۡلَا فَضۡلُ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَرَحۡمَتُهُۥ لَكُنتُم مِّنَ ٱلۡخَٰسِرِينَ

markaasaad jeedsateen intaas ka dib, hadduusan jirin fadliga Eebe ee korkiina iyo naxariistiisa waxaad ahaan lahaydeen kuwa Khasaaray.


وَلَقَدۡ عَلِمۡتُمُ ٱلَّذِينَ ٱعۡتَدَوۡاْ مِنكُمۡ فِي ٱلسَّبۡتِ فَقُلۡنَا لَهُمۡ كُونُواْ قِرَدَةً خَٰسِـِٔينَ

dhab ahaanbaad u ogtihin kuwii xadgudbay Sabtida, oo idinka mid ah markaasaan ku nidhi noqda daanyeer la fageeyo (oo dullaysan).



الصفحة التالية
Icon