قَالُواْ ٱدۡعُ لَنَا رَبَّكَ يُبَيِّن لَّنَا مَا هِيَ إِنَّ ٱلۡبَقَرَ تَشَٰبَهَ عَلَيۡنَا وَإِنَّآ إِن شَآءَ ٱللَّهُ لَمُهۡتَدُونَ

waxay dhaheen no hari Eebahaa ha noo caddeeyo waxay tahay, maxaa yeelay waxaa is kaga, kaana shabbahday (isu ekaatay) Lo'dee, hadduu Eebe doonana waan toosaynaa.


قَالَ إِنَّهُۥ يَقُولُ إِنَّهَا بَقَرَةٞ لَّا ذَلُولٞ تُثِيرُ ٱلۡأَرۡضَ وَلَا تَسۡقِي ٱلۡحَرۡثَ مُسَلَّمَةٞ لَّا شِيَةَ فِيهَاۚ قَالُواْ ٱلۡـَٰٔنَ جِئۡتَ بِٱلۡحَقِّۚ فَذَبَحُوهَا وَمَا كَادُواْ يَفۡعَلُونَ

wuxuu yidhi Eebe wuxuu leeyahay waa sac aan laylanayn oon qodayn dhulka, oon waraabinayna Beerta, wayna ka nabadgashantahay (eeeb) midab kalana ma leh, waxay dheheen haddaad la timid dhabta, markaasay gawraccen Siccii, waxayna udhwadeen inayna falin.


وَإِذۡ قَتَلۡتُمۡ نَفۡسٗا فَٱدَّـٰرَٰٔتُمۡ فِيهَاۖ وَٱللَّهُ مُخۡرِجٞ مَّا كُنتُمۡ تَكۡتُمُونَ

xusa markaad disheen naf ood isku khilaafteen Eebana wuu soo bixin (muujin) Waxaad qarineyseen.


فَقُلۡنَا ٱضۡرِبُوهُ بِبَعۡضِهَاۚ كَذَٰلِكَ يُحۡيِ ٱللَّهُ ٱلۡمَوۡتَىٰ وَيُرِيكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

waxaan ku nidhi ku garaaca kan la dilay Saca qaarkiis, saasuuna u nooleeyaa Eebe wixii dhintay, idiina tusin aayaadkiisa si aad wax u kastaan.



الصفحة التالية
Icon