يَهۡدِي بِهِ ٱللَّهُ مَنِ ٱتَّبَعَ رِضۡوَٰنَهُۥ سُبُلَ ٱلسَّلَٰمِ وَيُخۡرِجُهُم مِّنَ ٱلظُّلُمَٰتِ إِلَى ٱلنُّورِ بِإِذۡنِهِۦ وَيَهۡدِيهِمۡ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Uuna ku Hanuuniyo Eebe Ruuxii Raaca Raalli ahaanshihiisa Jidka Nahadgalyada kana bixin Mudiyada Xagga Nuurka Idinkiisa kuna hanuunin jidka Toosan.


لَّقَدۡ كَفَرَ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّ ٱللَّهَ هُوَ ٱلۡمَسِيحُ ٱبۡنُ مَرۡيَمَۚ قُلۡ فَمَن يَمۡلِكُ مِنَ ٱللَّهِ شَيۡـًٔا إِنۡ أَرَادَ أَن يُهۡلِكَ ٱلۡمَسِيحَ ٱبۡنَ مَرۡيَمَ وَأُمَّهُۥ وَمَن فِي ٱلۡأَرۡضِ جَمِيعٗاۗ وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۚ يَخۡلُقُ مَا يَشَآءُۚ وَٱللَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ قَدِيرٞ

Waxaa Gaaloobay kuwa yidhi Eebe waa uun Masiixi Ibnu maryama, yaa uga Hanan Eebe waxba hadduu doono inuu Halaago Masiixi Ibnu Maryama iyo Hooyadiis iyo waxa Dhulka ku sugaan Dhammaan, Eeba iska leh Xukunka Samooyinka iyo Dhulka, iyo waxa u Dhaxeeya, wuxuuna abuuraa wuxun Doono Eebana wax kasta wuu karaa.


وَقَالَتِ ٱلۡيَهُودُ وَٱلنَّصَٰرَىٰ نَحۡنُ أَبۡنَـٰٓؤُاْ ٱللَّهِ وَأَحِبَّـٰٓؤُهُۥۚ قُلۡ فَلِمَ يُعَذِّبُكُم بِذُنُوبِكُمۖ بَلۡ أَنتُم بَشَرٞ مِّمَّنۡ خَلَقَۚ يَغۡفِرُ لِمَن يَشَآءُ وَيُعَذِّبُ مَن يَشَآءُۚ وَلِلَّهِ مُلۡكُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَمَا بَيۡنَهُمَاۖ وَإِلَيۡهِ ٱلۡمَصِيرُ

Waxay Dheheen Yuhuud iyo Nasaaraba anagu waxaan nahay Caruur Eebe iyo juwuu Jecelyahay waxaad Dhahdaa Muxuu idiinku Cadaabaa dambigiinna saas ma aha ee waxaad Tihiin Dadka Eebe Abuuray, wuu u Dhaafi Cidduu Doono wuuna Cadaabi Cidduu Doono, Eebana waxaa u sugnaaday Xukunka Samooyinka, iyo Dhulja iyo waxa u Dhexeeya Xaggiisaana loo ahaan.



الصفحة التالية
Icon