أَفَحُكۡمَ ٱلۡجَٰهِلِيَّةِ يَبۡغُونَۚ وَمَنۡ أَحۡسَنُ مِنَ ٱللَّهِ حُكۡمٗا لِّقَوۡمٖ يُوقِنُونَ

Ma Xukunka Jaahilayad yey doonayaan, yaa ugu Fiican Eebe Xukunkiisa qoomka wax Yaqiinsan (Rumaysan).


۞يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَا تَتَّخِذُواْ ٱلۡيَهُودَ وَٱلنَّصَٰرَىٰٓ أَوۡلِيَآءَۘ بَعۡضُهُمۡ أَوۡلِيَآءُ بَعۡضٖۚ وَمَن يَتَوَلَّهُم مِّنكُمۡ فَإِنَّهُۥ مِنۡهُمۡۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَا يَهۡدِي ٱلۡقَوۡمَ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Kuwa Xaqa Rumeeyow ha ka yeelanina Yuhuud iyo Nasaara Sokeeye, Qaarkood waa Sokeeyaha Qaarka (Kale) Ciddii ka sokeeya Yeelata oo idinka Mid ah wuxuue ka midyahay Iyaga, Eebe ma Hanuuniyo Qoomka Daalimiinta ah.


فَتَرَى ٱلَّذِينَ فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ يُسَٰرِعُونَ فِيهِمۡ يَقُولُونَ نَخۡشَىٰٓ أَن تُصِيبَنَا دَآئِرَةٞۚ فَعَسَى ٱللَّهُ أَن يَأۡتِيَ بِٱلۡفَتۡحِ أَوۡ أَمۡرٖ مِّنۡ عِندِهِۦ فَيُصۡبِحُواْ عَلَىٰ مَآ أَسَرُّواْ فِيٓ أَنفُسِهِمۡ نَٰدِمِينَ

Waxaad Arkaysaan kuwa Qalbiga ka Buka (Munaafiqiinta) oo u Degdagi Dhexdooda, iyagoo Dhihi waxaannu ka Cabsan inay nagu dhaedo Dhibaato (Socota) waxay u Dhawdahay in Eebe keeno Fatxi (Gargaar) Xagiisa ah oo Markaas ay ahaadaan kuwo waxay u Qarsanayeen Naftooda (oo Gaal jacayl ah) Qoomameeya.


وَيَقُولُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَهَـٰٓؤُلَآءِ ٱلَّذِينَ أَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ إِنَّهُمۡ لَمَعَكُمۡۚ حَبِطَتۡ أَعۡمَٰلُهُمۡ فَأَصۡبَحُواْ خَٰسِرِينَ

Waxay Odhan kuwii Rumeeyey (Xaqa) ma kuwaasaa Kuwii ku Dhaartay Eebe Dhaar Adag inay idinla Jiraan, waxaa Hoobtay Camalkoodii waxayna ahaadeen kuwo Khasaaray.



الصفحة التالية
Icon