۞لَتَجِدَنَّ أَشَدَّ ٱلنَّاسِ عَدَٰوَةٗ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱلۡيَهُودَ وَٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْۖ وَلَتَجِدَنَّ أَقۡرَبَهُم مَّوَدَّةٗ لِّلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱلَّذِينَ قَالُوٓاْ إِنَّا نَصَٰرَىٰۚ ذَٰلِكَ بِأَنَّ مِنۡهُمۡ قِسِّيسِينَ وَرُهۡبَانٗا وَأَنَّهُمۡ لَا يَسۡتَكۡبِرُونَ

Waxaad Ogaan kuwa Dadka u Daran Colnimada kuwa Rumeeyey (Xaqa) (Muslimiinta) Yuhuud iyo Mushrikiinta (Diin laawayaasha) waxaad Ogaan kuwa ugu soo Dhaw Jacayl kuwa Rumeeyey Xaqa (muslimiinta) inay yihiin kuwa dhihi waxaan nahay Nasaaro, Illeen waxaa ka mid ah qaysas iyo Raahibiin Ismana Kibriyaan.


وَإِذَا سَمِعُواْ مَآ أُنزِلَ إِلَى ٱلرَّسُولِ تَرَىٰٓ أَعۡيُنَهُمۡ تَفِيضُ مِنَ ٱلدَّمۡعِ مِمَّا عَرَفُواْ مِنَ ٱلۡحَقِّۖ يَقُولُونَ رَبَّنَآ ءَامَنَّا فَٱكۡتُبۡنَا مَعَ ٱلشَّـٰهِدِينَ

Markay maqlan waxaa lagu soo Dejiyey Rasuulkana waxaad arkaysaa indhahoodoo Ilmo ka Daadan waxay aqoonsadeen oo xaqa ah iagoo dhihi Eebow waan Rumeynay ee nagu dhig (Yeel) kuwa marag furi (Xaqa qiri).


وَمَا لَنَا لَا نُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَمَا جَآءَنَا مِنَ ٱلۡحَقِّ وَنَطۡمَعُ أَن يُدۡخِلَنَا رَبُّنَا مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلصَّـٰلِحِينَ

Maxaanaan u rumeynaynin Eebe iyo waxa noo yimid oo xaq ah oonaan u Damcaynin inuu na galiyo (naga yeelo) Ilaahanno qoomka Suuban la Jirkooda.


فَأَثَٰبَهُمُ ٱللَّهُ بِمَا قَالُواْ جَنَّـٰتٖ تَجۡرِي مِن تَحۡتِهَا ٱلۡأَنۡهَٰرُ خَٰلِدِينَ فِيهَاۚ وَذَٰلِكَ جَزَآءُ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

wuuna ku Abaal marin Eebe waxay Dhaheen Jannooyin oy Socoto Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku Waari Dhexdeeda, Taasina waa Abaal marinta Samafalayaasha.



الصفحة التالية
Icon