يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ إِنَّمَا ٱلۡخَمۡرُ وَٱلۡمَيۡسِرُ وَٱلۡأَنصَابُ وَٱلۡأَزۡلَٰمُ رِجۡسٞ مِّنۡ عَمَلِ ٱلشَّيۡطَٰنِ فَٱجۡتَنِبُوهُ لَعَلَّكُمۡ تُفۡلِحُونَ

Kuwa Xaqa Rumeeyow Khamrada, qamaarka, Sanamyada «Taagan», iyo Faalku waa uun Xuman (Wasakh) oo Camal Shaydaana ee ka Foogaada inaad Liibaantaan.


إِنَّمَا يُرِيدُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَن يُوقِعَ بَيۡنَكُمُ ٱلۡعَدَٰوَةَ وَٱلۡبَغۡضَآءَ فِي ٱلۡخَمۡرِ وَٱلۡمَيۡسِرِ وَيَصُدَّكُمۡ عَن ذِكۡرِ ٱللَّهِ وَعَنِ ٱلصَّلَوٰةِۖ فَهَلۡ أَنتُم مُّنتَهُونَ

Wuxuu uun Dooni Shaydaanku inuu Idinku Dhectuuro Colnimo iyo isnac Khamrada iyo Qamaarka idinkana Celiyo Xusidda Eebe iyo salaadda ee ma ka Joogaysaan (ka Jooga).


وَأَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَ وَٱحۡذَرُواْۚ فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّمَا عَلَىٰ رَسُولِنَا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Adeeca Eebe Adeecana Rasuulka Digtoonaadana, Haddaadse Jeedsataan Ogaada waxaa uun Rasuulkanaga Saaran Gaadhsiin Cadi.


لَيۡسَ عَلَى ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ جُنَاحٞ فِيمَا طَعِمُوٓاْ إِذَا مَا ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّءَامَنُواْ ثُمَّ ٱتَّقَواْ وَّأَحۡسَنُواْۚ وَٱللَّهُ يُحِبُّ ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Dhib (Dhambi) ma Saarra kuwa Xaqa Rumeeyey oo Camal Fiican Falay waxay Quuteen hadday Dhawrsadaan ooy Xaqa Dhab u Rumeeyaan Camal Fiicanna Falaan, oy Xumaanta ka Dhawrsadaan oy Xaqa Rumeeyaan, Haddana Dhawrsadaan samana falaan, Eebana wuxuu Jeelyahay Samo Falayaasha.



الصفحة التالية
Icon