ثُمَّ أَنتُمۡ هَـٰٓؤُلَآءِ تَقۡتُلُونَ أَنفُسَكُمۡ وَتُخۡرِجُونَ فَرِيقٗا مِّنكُم مِّن دِيَٰرِهِمۡ تَظَٰهَرُونَ عَلَيۡهِم بِٱلۡإِثۡمِ وَٱلۡعُدۡوَٰنِ وَإِن يَأۡتُوكُمۡ أُسَٰرَىٰ تُفَٰدُوهُمۡ وَهُوَ مُحَرَّمٌ عَلَيۡكُمۡ إِخۡرَاجُهُمۡۚ أَفَتُؤۡمِنُونَ بِبَعۡضِ ٱلۡكِتَٰبِ وَتَكۡفُرُونَ بِبَعۡضٖۚ فَمَا جَزَآءُ مَن يَفۡعَلُ ذَٰلِكَ مِنكُمۡ إِلَّا خِزۡيٞ فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ يُرَدُّونَ إِلَىٰٓ أَشَدِّ ٱلۡعَذَابِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

hadana waxaad ahaateen kuwo dili Naftooda, oo ka erya kooxo idinka mid ah Guryahooda, idinkoo isugu kaalmayn korkoodu dambi iyo colnimo haddii la qafaashana waad furanaysaan, iyadooy dhabtu tahay inay xaaraan idinka tahay bixintoodu, Miyaad rumaynaysaan Kitaabtka qaarkiis, kana gaaloobaysaan qaar, ruuxii saas fala oo idinka mid ah abaalkiisu ma aha dulli adduun iyo maalinta qiyaame oo loo celin cadaab daran mooyee, Eebana ma halmaamayo waxaad falaysaan.


أُوْلَـٰٓئِكَ ٱلَّذِينَ ٱشۡتَرَوُاْ ٱلۡحَيَوٰةَ ٱلدُّنۡيَا بِٱلۡأٓخِرَةِۖ فَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنصَرُونَ

kuwaasina waa kuwa ku gatay nolosha adduunyo (ee dhaw) aakhiro, lagamane fududeeyo xaggooda cadaabka loomana gargaaro.


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ وَقَفَّيۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ بِٱلرُّسُلِۖ وَءَاتَيۡنَا عِيسَى ٱبۡنَ مَرۡيَمَ ٱلۡبَيِّنَٰتِ وَأَيَّدۡنَٰهُ بِرُوحِ ٱلۡقُدُسِۗ أَفَكُلَّمَا جَآءَكُمۡ رَسُولُۢ بِمَا لَا تَهۡوَىٰٓ أَنفُسُكُمُ ٱسۡتَكۡبَرۡتُمۡ فَفَرِيقٗا كَذَّبۡتُمۡ وَفَرِيقٗا تَقۡتُلُونَ

dhab ahaan yaan u siinnay (Nabi) musse Kitaabka, waxaana raacinnary gadaashiis Rasuullo, waxaana siinnay (Nabi) Ciise Ibnu maryama Mucjizaad cad cad, waxaana ku xoojinay ruux daahir ah (Jibriil) marastoose idiinla yimaaddo rasuul waxaan naftiinu jeclayn (xaqa) ma iskibrisaan, koox waad beenisaan, kooxna waa dishaan.



الصفحة التالية
Icon