وَكَذَٰلِكَ نُفَصِّلُ ٱلۡأٓيَٰتِ وَلِتَسۡتَبِينَ سَبِيلُ ٱلۡمُجۡرِمِينَ

Saasaanu u Kala Bixinaa Aayaadka si ay u Caddaato Jidka Dambiilayaasha.


قُلۡ إِنِّي نُهِيتُ أَنۡ أَعۡبُدَ ٱلَّذِينَ تَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِۚ قُل لَّآ أَتَّبِعُ أَهۡوَآءَكُمۡ قَدۡ ضَلَلۡتُ إِذٗا وَمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُهۡتَدِينَ

Waxaad Dhahdaa waxaa layga Reebay inaan Caabudo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka soo Hadhay, waxaad Dhahdaa Raaci maayo hawadiinna oon Dhumo markaas Nogoninna kuwaan Hanuunsanayn.


قُلۡ إِنِّي عَلَىٰ بَيِّنَةٖ مِّن رَّبِّي وَكَذَّبۡتُم بِهِۦۚ مَا عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦٓۚ إِنِ ٱلۡحُكۡمُ إِلَّا لِلَّهِۖ يَقُصُّ ٱلۡحَقَّۖ وَهُوَ خَيۡرُ ٱلۡفَٰصِلِينَ

Waxaad Dhahdaa waxaan ku Sugnahay Xujo Eebahay waadna Beeniseen Xaqaas, agtayda ma aha waxaad Dadajisanaysaan, Xukunkana Eebaa iska leh, Xaquuna Xukumi, waana kuu Xukunkiisu Khayr Leeyahay.


قُل لَّوۡ أَنَّ عِندِي مَا تَسۡتَعۡجِلُونَ بِهِۦ لَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُ بَيۡنِي وَبَيۡنَكُمۡۗ وَٱللَّهُ أَعۡلَمُ بِٱلظَّـٰلِمِينَ

Waxaad Dhahdaa hadduu Yahay agtayda waxaad Dedejisanaysaan (Cigabta) waxaa Ia kala Xukumi Lahaa Dhexdeenna Eebana waa Ogyahay Daalimiinta.


۞وَعِندَهُۥ مَفَاتِحُ ٱلۡغَيۡبِ لَا يَعۡلَمُهَآ إِلَّا هُوَۚ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡبَرِّ وَٱلۡبَحۡرِۚ وَمَا تَسۡقُطُ مِن وَرَقَةٍ إِلَّا يَعۡلَمُهَا وَلَا حَبَّةٖ فِي ظُلُمَٰتِ ٱلۡأَرۡضِ وَلَا رَطۡبٖ وَلَا يَابِسٍ إِلَّا فِي كِتَٰبٖ مُّبِينٖ

Eebe Agtiisa waxaa ah Furaha waxa maqan wax og oon isaga ahayna ma jiro, wuxuuna Ogyahay waxa Barriga iyo Badda ku Sugan, wixii Caleena oo Dhacdana wuu Ogyahay, Xabbad Masaga ah oo Mugdiga Dhulka ku Sugan iyo wixii Qoyan ama Ingagan waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.



الصفحة التالية
Icon