قُلِ ٱللَّهُ يُنَجِّيكُم مِّنۡهَا وَمِن كُلِّ كَرۡبٖ ثُمَّ أَنتُمۡ تُشۡرِكُونَ

Waxaad Dhahdaa Eebaa idinka Koriya Taas iyo Shiddo Kasta, Markaasaad u Shariigyeeshaan.


قُلۡ هُوَ ٱلۡقَادِرُ عَلَىٰٓ أَن يَبۡعَثَ عَلَيۡكُمۡ عَذَابٗا مِّن فَوۡقِكُمۡ أَوۡ مِن تَحۡتِ أَرۡجُلِكُمۡ أَوۡ يَلۡبِسَكُمۡ شِيَعٗا وَيُذِيقَ بَعۡضَكُم بَأۡسَ بَعۡضٍۗ ٱنظُرۡ كَيۡفَ نُصَرِّفُ ٱلۡأٓيَٰتِ لَعَلَّهُمۡ يَفۡقَهُونَ

Waxaad Dhahdaa Eebe waa kan kara inuu idinku soo Daayo Cadaab Korkiinna ama Lugihiinna Hoostooda ama idin qaso (idinka yeelo) Kooxo uu Dhadhansiiyo Qaarkood qaarka kale Dhibkiisa, bal day Sidaan ugu Caddaynaynno Aayaadka inay Kasaan.


وَكَذَّبَ بِهِۦ قَوۡمُكَ وَهُوَ ٱلۡحَقُّۚ قُل لَّسۡتُ عَلَيۡكُم بِوَكِيلٖ

Waxaa Beeniyey (Quraanka) Qoomkaagii Isagoo Xaq ah, waxaad Dhahdaa kama ahi Korkiinna Wakiil (ILaaliye).


لِّكُلِّ نَبَإٖ مُّسۡتَقَرّٞۚ وَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ

War kasta Meel uu ku Sugnaado yuu leeyahay Waadna Ogaandoontaan.


وَإِذَا رَأَيۡتَ ٱلَّذِينَ يَخُوضُونَ فِيٓ ءَايَٰتِنَا فَأَعۡرِضۡ عَنۡهُمۡ حَتَّىٰ يَخُوضُواْ فِي حَدِيثٍ غَيۡرِهِۦۚ وَإِمَّا يُنسِيَنَّكَ ٱلشَّيۡطَٰنُ فَلَا تَقۡعُدۡ بَعۡدَ ٱلذِّكۡرَىٰ مَعَ ٱلۡقَوۡمِ ٱلظَّـٰلِمِينَ

Markaad Aragtaan kuwa dhumban Aayaadkanaga, isaga Jeedso intay ka Dhumbadaan Sheeko kale, haddduu ku Halmaansiiyo Shaydaanna ha Fadhiyin Xusuusta ka Dib Daalimiinta Agtooda.



الصفحة التالية
Icon