وَكَيۡفَ أَخَافُ مَآ أَشۡرَكۡتُمۡ وَلَا تَخَافُونَ أَنَّكُمۡ أَشۡرَكۡتُم بِٱللَّهِ مَا لَمۡ يُنَزِّلۡ بِهِۦ عَلَيۡكُمۡ سُلۡطَٰنٗاۚ فَأَيُّ ٱلۡفَرِيقَيۡنِ أَحَقُّ بِٱلۡأَمۡنِۖ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

Sideen uga Cabsan waxaad la Wadaajiseen, idinkuna aydaan ka Cabsanayn inaad la Wadaajiseen Eebe wuxuusan u soo Dejinen Xujo, ee Labada Kooxood (Muslimka iyo Gaalada) koodee mudan Nabdagalyo Haddaad wax Ogtihiin.


ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَلَمۡ يَلۡبِسُوٓاْ إِيمَٰنَهُم بِظُلۡمٍ أُوْلَـٰٓئِكَ لَهُمُ ٱلۡأَمۡنُ وَهُم مُّهۡتَدُونَ

Kuwa Xaqa Rumeeyey oon ku Dheehin Iimaankooda Dulmi (Gaalimo) kuwaasaa Nabadgalto u Sugnaatay Hanuunsanna.


وَتِلۡكَ حُجَّتُنَآ ءَاتَيۡنَٰهَآ إِبۡرَٰهِيمَ عَلَىٰ قَوۡمِهِۦۚ نَرۡفَعُ دَرَجَٰتٖ مَّن نَّشَآءُۗ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٞ

Taasina waa Xujadanadii aa u siinnay Ibraahim Qoomkiisa waxaan koryeelaa Darajaadka Ciddaan Doonno Eebahaana waa Falsame Oge ah.


وَوَهَبۡنَا لَهُۥٓ إِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَۚ كُلًّا هَدَيۡنَاۚ وَنُوحًا هَدَيۡنَا مِن قَبۡلُۖ وَمِن ذُرِّيَّتِهِۦ دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ وَمُوسَىٰ وَهَٰرُونَۚ وَكَذَٰلِكَ نَجۡزِي ٱلۡمُحۡسِنِينَ

Waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub Dhammaana waan Hanuuninay, Nabi Nuuxna waan Hanuuninay waqti Hore, waxaana ka mid ah Faraciisii Nabi Daawuud, Sulaymaan, Ayuub, Yuusuf, Muuse iyo Haaruun, Saasaana ku Abaal marinaa Samofalayaasha.



الصفحة التالية
Icon