وَجَعَلُواْ لِلَّهِ شُرَكَآءَ ٱلۡجِنَّ وَخَلَقَهُمۡۖ وَخَرَقُواْ لَهُۥ بَنِينَ وَبَنَٰتِۭ بِغَيۡرِ عِلۡمٖۚ سُبۡحَٰنَهُۥ وَتَعَٰلَىٰ عَمَّا يَصِفُونَ

Waxay u Yeeleen Gaalado Eebe Shurako Jinni ah Isagoo Abuuray waxay ku Sheegeen(Been) Eebe Wiilal iyo Gabdho Iyagoon wax Ogayn, waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay ku Sheegi.


بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ أَنَّىٰ يَكُونُ لَهُۥ وَلَدٞ وَلَمۡ تَكُن لَّهُۥ صَٰحِبَةٞۖ وَخَلَقَ كُلَّ شَيۡءٖۖ وَهُوَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

Eebe waa Kan Abuuray Samooyinka iyo Dhulka sideese Ilmo ugu ahaan Isagoon Haweenay lahayn wax walbana Abuuray wax kastana Og.


ذَٰلِكُمُ ٱللَّهُ رَبُّكُمۡۖ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَۖ خَٰلِقُ كُلِّ شَيۡءٖ فَٱعۡبُدُوهُۚ وَهُوَ عَلَىٰ كُلِّ شَيۡءٖ وَكِيلٞ

Kaasi waa Eebihiin isaga mooyee ILaah kale ma jiro wax kastana isagaa Abuuray ee Caabuda wax walbana isagaa u Wakiil ah (ILaaliya).


لَّا تُدۡرِكُهُ ٱلۡأَبۡصَٰرُ وَهُوَ يُدۡرِكُ ٱلۡأَبۡصَٰرَۖ وَهُوَ ٱللَّطِيفُ ٱلۡخَبِيرُ

Ma haleesho Aragti Isagaase Haleela Aragtida (Wuu arkaa Eebe lamase Arko adduunka) Waana wax Oge Xeeldheer.


قَدۡ جَآءَكُم بَصَآئِرُ مِن رَّبِّكُمۡۖ فَمَنۡ أَبۡصَرَ فَلِنَفۡسِهِۦۖ وَمَنۡ عَمِيَ فَعَلَيۡهَاۚ وَمَآ أَنَا۠ عَلَيۡكُم بِحَفِيظٖ

Waxaa idiin Yimid (Idin soo Gaadhay) Xujooyin Eebihiin ka yimid Ciddii Aragta (ku Hanuunta) Naftiisa umbuu wax u taray Cidii ka Indho Beeshana Naftiisuu Dhibay, anna ma ihi mid idin ILaalin.



الصفحة التالية
Icon