وَأَنَّ هَٰذَا صِرَٰطِي مُسۡتَقِيمٗا فَٱتَّبِعُوهُۖ وَلَا تَتَّبِعُواْ ٱلسُّبُلَ فَتَفَرَّقَ بِكُمۡ عَن سَبِيلِهِۦۚ ذَٰلِكُمۡ وَصَّىٰكُم بِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَتَّقُونَ

Kaasinawaa Jidkayga toosan ee Raaca, hana Raacina Wadiiqaha oo idin la kala Tago (Idinka leexiyo Jidka Eebe) Saasaana Eebe idin faray inaad Dhawrsataan.


ثُمَّ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ تَمَامًا عَلَى ٱلَّذِيٓ أَحۡسَنَ وَتَفۡصِيلٗا لِّكُلِّ شَيۡءٖ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُم بِلِقَآءِ رَبِّهِمۡ يُؤۡمِنُونَ

Waxaana Siinnay Nabi Muuse Kitaabkii (Towreed) Annagoo Dhammaystiri waxa wanaagsan, wax walbana Caddayn, Isagoo hanuun iyo Naxariis ah, inay la kulanka Eebahood Rumeeyaan.


وَهَٰذَا كِتَٰبٌ أَنزَلۡنَٰهُ مُبَارَكٞ فَٱتَّبِعُوهُ وَٱتَّقُواْ لَعَلَّكُمۡ تُرۡحَمُونَ

Kanna (Quraanku) waa Kitaab aan soo Dejinnay oo Barkaysan, ee Raaca Dhawrsadana in laydiin Naxariisto.


أَن تَقُولُوٓاْ إِنَّمَآ أُنزِلَ ٱلۡكِتَٰبُ عَلَىٰ طَآئِفَتَيۡنِ مِن قَبۡلِنَا وَإِن كُنَّا عَن دِرَاسَتِهِمۡ لَغَٰفِلِينَ

Oydaan Dhihin waxaa uun Kitaab lagu soo Dejiyey Labadii qolo ee naga horreeyey, anaguna ma naqaanno Cilmigoodii.


أَوۡ تَقُولُواْ لَوۡ أَنَّآ أُنزِلَ عَلَيۡنَا ٱلۡكِتَٰبُ لَكُنَّآ أَهۡدَىٰ مِنۡهُمۡۚ فَقَدۡ جَآءَكُم بَيِّنَةٞ مِّن رَّبِّكُمۡ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٞۚ فَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَذَّبَ بِـَٔايَٰتِ ٱللَّهِ وَصَدَفَ عَنۡهَاۗ سَنَجۡزِي ٱلَّذِينَ يَصۡدِفُونَ عَنۡ ءَايَٰتِنَا سُوٓءَ ٱلۡعَذَابِ بِمَا كَانُواْ يَصۡدِفُونَ

Ama aydaan dhihin haddii Nalagu soo Dejiyo Kitaab waxaan ahaan lahayn kuwo ka hanuunsan iyaga, waxaa idiinka yimid Xujo (Cad) xagga Eebihiin, iyo Hanuun, iyo Naxariis, cid ka dulmi badanna ma jirto mid beenisay Aayaadka Eebe oo ka Jeedsatay, waxaannu ku Abaal marin kuwa ka Jeedsada aayaadkanaga Cadaab Xun Jeedsigooda dartiis.



الصفحة التالية
Icon