أَوَكُلَّمَا عَٰهَدُواْ عَهۡدٗا نَّبَذَهُۥ فَرِيقٞ مِّنۡهُمۚ بَلۡ أَكۡثَرُهُمۡ لَا يُؤۡمِنُونَ

markastooy ballantamaana Yuhuuddu waxaa tuura (buriya) ballanka koox ka mid ah, saas ma ahee Yuhuudda badankood waxba ma rumeeyn.


وَلَمَّا جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡ عِندِ ٱللَّهِ مُصَدِّقٞ لِّمَا مَعَهُمۡ نَبَذَ فَرِيقٞ مِّنَ ٱلَّذِينَ أُوتُواْ ٱلۡكِتَٰبَ كِتَٰبَ ٱللَّهِ وَرَآءَ ظُهُورِهِمۡ كَأَنَّهُمۡ لَا يَعۡلَمُونَ

markuu uga yimid Rasuulku xagga Eebe isagoo rumayn waxa agtooda ahna (Tawrced) waxay ka tuuraan koox ka mid ah kuwii Kitaabka la siiyey (culimada Yuhuudda) Kitaabka Eebe Dhabarkooda Gadaashiisa, waxayna la mid yihiin iyagoon garanayn.


وَٱتَّبَعُواْ مَا تَتۡلُواْ ٱلشَّيَٰطِينُ عَلَىٰ مُلۡكِ سُلَيۡمَٰنَۖ وَمَا كَفَرَ سُلَيۡمَٰنُ وَلَٰكِنَّ ٱلشَّيَٰطِينَ كَفَرُواْ يُعَلِّمُونَ ٱلنَّاسَ ٱلسِّحۡرَ وَمَآ أُنزِلَ عَلَى ٱلۡمَلَكَيۡنِ بِبَابِلَ هَٰرُوتَ وَمَٰرُوتَۚ وَمَا يُعَلِّمَانِ مِنۡ أَحَدٍ حَتَّىٰ يَقُولَآ إِنَّمَا نَحۡنُ فِتۡنَةٞ فَلَا تَكۡفُرۡۖ فَيَتَعَلَّمُونَ مِنۡهُمَا مَا يُفَرِّقُونَ بِهِۦ بَيۡنَ ٱلۡمَرۡءِ وَزَوۡجِهِۦۚ وَمَا هُم بِضَآرِّينَ بِهِۦ مِنۡ أَحَدٍ إِلَّا بِإِذۡنِ ٱللَّهِۚ وَيَتَعَلَّمُونَ مَا يَضُرُّهُمۡ وَلَا يَنفَعُهُمۡۚ وَلَقَدۡ عَلِمُواْ لَمَنِ ٱشۡتَرَىٰهُ مَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖۚ وَلَبِئۡسَ مَا شَرَوۡاْ بِهِۦٓ أَنفُسَهُمۡۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

waxay raaceen Gaaladii Yuhuuddu waxay Shayaadiintu Akhriyeysay waqtigii xukukii Nabi Suleyman, ma Gaaloobin Nabi Suleymaan, laakiin Shayaadiinta yaa Gaalowday, waxayna baraan Dadka Sixirka, iyo wixii lagu soo dajiyey labadii Malag ee Baabil joogay ahaana Haaruut iyo Maaruut, mana baraan cidna intay uga dhahaan waxaan uun nahay Fidnee ha Gaaloobin, waxayna ka bartaan xagooda wax kalageeya Ninka iyo Haweenaydiisa, kumana dhibaan ruuxna idinka Eebe la'aantiis, waxayna bartaan Dadkaasu wax dhiba oon anfacayn, dhab ahaan yey u ogaadeen Yuhuuddu ruuxii sixir barta inuusan Aakhiro nasiib ku lahayn, waxaana baasleh Sixirkay Naftooda ku gateen hadday wax ogyihiin.



الصفحة التالية
Icon