وَلِلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ فَأَيۡنَمَا تُوَلُّواْ فَثَمَّ وَجۡهُ ٱللَّهِۚ إِنَّ ٱللَّهَ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ

Qorax ka soo box iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, meel kastood u jeedsataanna waa Jaho Eebe (markaad Qiblada garanweydaan) Eebana waa waasac (Naxariistiisu) wax walbana og.


وَقَالُواْ ٱتَّخَذَ ٱللَّهُ وَلَدٗاۗ سُبۡحَٰنَهُۥۖ بَل لَّهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ كُلّٞ لَّهُۥ قَٰنِتُونَ

waxay dhaheen Gaaladii wuxuu yeeshay Eebo Ilmo, waana ka nasahanyahay, saas ma aha ee waxaa u sugnaaday Eebe waxa ku jira Samada iyo Dhulka, dhamaanna Eebay u hogaansamaan.


بَدِيعُ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِۖ وَإِذَا قَضَىٰٓ أَمۡرٗا فَإِنَّمَا يَقُولُ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

isagaa abuuray Samooyinka iyo Dhulka, markuu doono arrinna wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaadaa.


وَقَالَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ لَوۡلَا يُكَلِّمُنَا ٱللَّهُ أَوۡ تَأۡتِينَآ ءَايَةٞۗ كَذَٰلِكَ قَالَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِم مِّثۡلَ قَوۡلِهِمۡۘ تَشَٰبَهَتۡ قُلُوبُهُمۡۗ قَدۡ بَيَّنَّا ٱلۡأٓيَٰتِ لِقَوۡمٖ يُوقِنُونَ

1I waxay dhaheen kuwii aan wax ogayn (Gaaladii) muxuu Eebe nooola hadli waayey ama noogu imaan wayday aayad, saaso kaley dhaheen kuwii ka horreeyey hadalkooda oo kale, waxaa is Shabbahday (isu ekaatay) qulubtooda dhab ahaan yaan aayadaha ugu caddaynay ciddii wax yaqiinin.



الصفحة التالية
Icon