خَتَمَ ٱللَّهُ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ وَعَلَىٰ سَمۡعِهِمۡۖ وَعَلَىٰٓ أَبۡصَٰرِهِمۡ غِشَٰوَةٞۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ عَظِيمٞ

Lebaa daabacay Quluubtooda iyo Maqalkooda. aragoodana wuxuu yeeley Dabool waxaana u sugnaaday Cadaab weyn.


وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ ءَامَنَّا بِٱللَّهِ وَبِٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِ وَمَا هُم بِمُؤۡمِنِينَ

Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi waxaan rumeynay Eebe iyo maalintii dambaysay (Qiyaamada) haddana aan Mu'miniin ahyn.


يُخَٰدِعُونَ ٱللَّهَ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَمَا يَخۡدَعُونَ إِلَّآ أَنفُسَهُمۡ وَمَا يَشۡعُرُونَ

waxay khiyaameyn Eebe iyo kuwa (Xaqa) rumeeyey naftooda ahayn mase kasayaan.


فِي قُلُوبِهِم مَّرَضٞ فَزَادَهُمُ ٱللَّهُ مَرَضٗاۖ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمُۢ بِمَا كَانُواْ يَكۡذِبُونَ

Quluubtay ka bukaan markaasaa Eebe u siyaadiyay Cuduro waxayna mudan Cadaab daran Beentoodii Darteed.


وَإِذَا قِيلَ لَهُمۡ لَا تُفۡسِدُواْ فِي ٱلۡأَرۡضِ قَالُوٓاْ إِنَّمَا نَحۡنُ مُصۡلِحُونَ

marka lagu dhoho ha fasaadinina dhulka waxay dhahaan annagu waxaan uun nahay Hagaajiyayaal.


أَلَآ إِنَّهُمۡ هُمُ ٱلۡمُفۡسِدُونَ وَلَٰكِن لَّا يَشۡعُرُونَ

iyaga unbaa fasaadiyayaal ah hasa yeeshee ma kasayaan.



الصفحة التالية
Icon