قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۚ قُلِ ٱللَّهُ يَبۡدَؤُاْ ٱلۡخَلۡقَ ثُمَّ يُعِيدُهُۥۖ فَأَنَّىٰ تُؤۡفَكُونَ

waxaad dhahdaa ma ka midyihiin Shurakadiinna cid billowda Abuurka Soona celiya, waxaad dhadaa Eebaa Bilaaba khalqiga soona eeliya ee xaggee loo iili.


قُلۡ هَلۡ مِن شُرَكَآئِكُم مَّن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّۚ قُلِ ٱللَّهُ يَهۡدِي لِلۡحَقِّۗ أَفَمَن يَهۡدِيٓ إِلَى ٱلۡحَقِّ أَحَقُّ أَن يُتَّبَعَ أَمَّن لَّا يَهِدِّيٓ إِلَّآ أَن يُهۡدَىٰۖ فَمَا لَكُمۡ كَيۡفَ تَحۡكُمُونَ

waxaad dhahdaa ma ka midyahay shurakadiinna cid ku hanuunin xaqa, waxaad dhadaa Eebaa ku hanuunin Xaqa, mase mid ku hanuunin Xaqa yaa mudan in la raaco mise midaan hanuuninayn in la hanuuniyo mooyee, maxaad leedihiin sideed xukumaysaan.


وَمَا يَتَّبِعُ أَكۡثَرُهُمۡ إِلَّا ظَنًّاۚ إِنَّ ٱلظَّنَّ لَا يُغۡنِي مِنَ ٱلۡحَقِّ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمُۢ بِمَا يَفۡعَلُونَ

mana raaco badankoodu waxaan malo ahayn, malana waxba kama taro xaqa, Eebana waa ogyahay waxay falayaan.


وَمَا كَانَ هَٰذَا ٱلۡقُرۡءَانُ أَن يُفۡتَرَىٰ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَلَٰكِن تَصۡدِيقَ ٱلَّذِي بَيۡنَ يَدَيۡهِ وَتَفۡصِيلَ ٱلۡكِتَٰبِ لَا رَيۡبَ فِيهِ مِن رَّبِّ ٱلۡعَٰلَمِينَ

ma aha Quraankanu mid laga been abuurtay Eebe ka sokow, waase u rumeeyaha wixii ka horreeyey iyo caddaynta Kitaabka (Xukunka) shakina kuma jiro wuxuuna ka ahaaday Eebaha Caalamka.



الصفحة التالية
Icon