وَيَقُولُونَ مَتَىٰ هَٰذَا ٱلۡوَعۡدُ إِن كُنتُمۡ صَٰدِقِينَ

waxayna odhan gaaladu waa goorma yaboohaas (Gooddiga) haddaad runsheegaysaan.


قُل لَّآ أَمۡلِكُ لِنَفۡسِي ضَرّٗا وَلَا نَفۡعًا إِلَّا مَا شَآءَ ٱللَّهُۗ لِكُلِّ أُمَّةٍ أَجَلٌۚ إِذَا جَآءَ أَجَلُهُمۡ فَلَا يَسۡتَـٔۡخِرُونَ سَاعَةٗ وَلَا يَسۡتَقۡدِمُونَ

waxaad dhahdaa uma hanto naftayda Dhib iyo nacfi midna wuxuu Eebe doono mooyee, Ummaad kastana waxay leedahay Ajal (Muddo) markay Ajashoodu timaadana lagama dib mariyo Saacad lagamana hor mariyo.


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِنۡ أَتَىٰكُمۡ عَذَابُهُۥ بَيَٰتًا أَوۡ نَهَارٗا مَّاذَا يَسۡتَعۡجِلُ مِنۡهُ ٱلۡمُجۡرِمُونَ

waxaad dhahdaa bal ka warrama hadduu idiinku yimaaddo Cadaabkiisu (Eebe) Mir ama Maalin maxay ka dedejisan xaggiisa Dambiilayaashu.


أَثُمَّ إِذَا مَا وَقَعَ ءَامَنتُم بِهِۦٓۚ ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ كُنتُم بِهِۦ تَسۡتَعۡجِلُونَ

Mise markuu dhaeaad rumaynaysaan hadda idinkoo Dedejisanayey.


ثُمَّ قِيلَ لِلَّذِينَ ظَلَمُواْ ذُوقُواْ عَذَابَ ٱلۡخُلۡدِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا بِمَا كُنتُمۡ تَكۡسِبُونَ

markaasa lagu odhan kuwii dulmi falay dhadhamiya cadaabka waaridda, miyaana laydinka abaal marinin waxaad kasbanayseen mooyee.



الصفحة التالية
Icon