قُلۡ أَتُحَآجُّونَنَا فِي ٱللَّهِ وَهُوَ رَبُّنَا وَرَبُّكُمۡ وَلَنَآ أَعۡمَٰلُنَا وَلَكُمۡ أَعۡمَٰلُكُمۡ وَنَحۡنُ لَهُۥ مُخۡلِصُونَ

waxaad dhahdaa Nabiyow ma waxaad igula doodaysaan Eebe isagoo Eebahanno iyo Eebihiinna ah, anaguna Camalkanagu noo sugnaaday idinkuna Camalkiina, isagaana u kali yeelaynaa Diinta.


أَمۡ تَقُولُونَ إِنَّ إِبۡرَٰهِـۧمَ وَإِسۡمَٰعِيلَ وَإِسۡحَٰقَ وَيَعۡقُوبَ وَٱلۡأَسۡبَاطَ كَانُواْ هُودًا أَوۡ نَصَٰرَىٰۗ قُلۡ ءَأَنتُمۡ أَعۡلَمُ أَمِ ٱللَّهُۗ وَمَنۡ أَظۡلَمُ مِمَّن كَتَمَ شَهَٰدَةً عِندَهُۥ مِنَ ٱللَّهِۗ وَمَا ٱللَّهُ بِغَٰفِلٍ عَمَّا تَعۡمَلُونَ

mise waxaad dhahaysaan Nabi Ibraahim, Ismaeiil, Isxaaq, Yacquub iyo Caruurtii waxay ahaayeen Yuhuud ama Nasaara, waxad dhahdaa ma idinkaa wax og Mise Eeben yaa ka dulmi badan ruux qariya marag agtiisa Eebe ku yeeshay, Eebana ma halmaamo waxaad falaysaan.


تِلۡكَ أُمَّةٞ قَدۡ خَلَتۡۖ لَهَا مَا كَسَبَتۡ وَلَكُم مَّا كَسَبۡتُمۡۖ وَلَا تُسۡـَٔلُونَ عَمَّا كَانُواْ يَعۡمَلُونَ

taasi waa umad tagtay, waxayna mudan waxay kasbatay idinkuna waxaad mudaynasaan waxaad kasbateen, laydin warsannamaayo waxay camalfalayeen.


۞سَيَقُولُ ٱلسُّفَهَآءُ مِنَ ٱلنَّاسِ مَا وَلَّىٰهُمۡ عَن قِبۡلَتِهِمُ ٱلَّتِي كَانُواْ عَلَيۡهَاۚ قُل لِّلَّهِ ٱلۡمَشۡرِقُ وَٱلۡمَغۡرِبُۚ يَهۡدِي مَن يَشَآءُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

waxay dhihi kuwii xumaa ee Dadka (Gaalada) ka mid ahaa maxaa ka jeediyey Muslimiinta Qiblay Qaabilijireen (Baytul Maqdis) waxaad dhahdaa Nabiyow Qorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, wuxuuna ku hanuunin Ciduu doono Jidka toosan.



الصفحة التالية
Icon