فَإِن تَوَلَّيۡتُمۡ فَمَا سَأَلۡتُكُم مِّنۡ أَجۡرٍۖ إِنۡ أَجۡرِيَ إِلَّا عَلَى ٱللَّهِۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

haddaad jeedsataan idin warsanmaayo ujuuro, ujuuradayda waxaa idiin Eebe, waxaana lay faray inaan ka mid ahaado Muslimiinta.


فَكَذَّبُوهُ فَنَجَّيۡنَٰهُ وَمَن مَّعَهُۥ فِي ٱلۡفُلۡكِ وَجَعَلۡنَٰهُمۡ خَلَـٰٓئِفَ وَأَغۡرَقۡنَا ٱلَّذِينَ كَذَّبُواْ بِـَٔايَٰتِنَاۖ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُنذَرِينَ

Wayna beeniyeen waxaana ku korinnay Nabi Nuux iyo intii la jirtay Doontii, waxaana ka yeelay kuwo u hadha dhulka, waxaana maanshaynay kuwii beeniyey Aayaadkannaga ee day siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِۦ رُسُلًا إِلَىٰ قَوۡمِهِمۡ فَجَآءُوهُم بِٱلۡبَيِّنَٰتِ فَمَا كَانُواْ لِيُؤۡمِنُواْ بِمَا كَذَّبُواْ بِهِۦ مِن قَبۡلُۚ كَذَٰلِكَ نَطۡبَعُ عَلَىٰ قُلُوبِ ٱلۡمُعۡتَدِينَ

markaas kadib waxaan u Bixinnay Rasuullo Qoomkoodii Waxayna ula yimaadeen xujooyin, mana Rumayn beenintoodii darteed ee horraysay Saasaan u Daabacnaa «daboollaa» Quluubta xadgudbayaasha.


ثُمَّ بَعَثۡنَا مِنۢ بَعۡدِهِم مُّوسَىٰ وَهَٰرُونَ إِلَىٰ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَإِيْهِۦ بِـَٔايَٰتِنَا فَٱسۡتَكۡبَرُواْ وَكَانُواْ قَوۡمٗا مُّجۡرِمِينَ

markaasaan u Bixinay gadaashood (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun fircoon iyo colkiisii iyagoo Wata aayaadkannagii, wayna Isla waynaadeen waxayna Noqdeen Qoom dambiilayaal ah.



الصفحة التالية
Icon