وَقَالَ مُوسَىٰ رَبَّنَآ إِنَّكَ ءَاتَيۡتَ فِرۡعَوۡنَ وَمَلَأَهُۥ زِينَةٗ وَأَمۡوَٰلٗا فِي ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَا رَبَّنَا لِيُضِلُّواْ عَن سَبِيلِكَۖ رَبَّنَا ٱطۡمِسۡ عَلَىٰٓ أَمۡوَٰلِهِمۡ وَٱشۡدُدۡ عَلَىٰ قُلُوبِهِمۡ فَلَا يُؤۡمِنُواْ حَتَّىٰ يَرَوُاْ ٱلۡعَذَابَ ٱلۡأَلِيمَ

wuxuuna yidhi (Nabi) Muuse Eebahannow adaa siiyey Fircoon iyo Kooxdiisa Qurux iyo Xoolo Nolosha Adduunka Eebow inay ka dhumiyaan Jidkaaga Eebow halaag (Tirtir) Xoolahooda Adkeena Quluubtooda oo yeyna rumeynin intay ka arkaan Cadaab daran.


قَالَ قَدۡ أُجِيبَت دَّعۡوَتُكُمَا فَٱسۡتَقِيمَا وَلَا تَتَّبِعَآنِّ سَبِيلَ ٱلَّذِينَ لَا يَعۡلَمُونَ

Eebe wuxuu yidhi waa la ajiibay Baryadiinna ee toosnaada hana raacina Jidka kuwaan wax ogayn.


۞وَجَٰوَزۡنَا بِبَنِيٓ إِسۡرَـٰٓءِيلَ ٱلۡبَحۡرَ فَأَتۡبَعَهُمۡ فِرۡعَوۡنُ وَجُنُودُهُۥ بَغۡيٗا وَعَدۡوًاۖ حَتَّىٰٓ إِذَآ أَدۡرَكَهُ ٱلۡغَرَقُ قَالَ ءَامَنتُ أَنَّهُۥ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا ٱلَّذِيٓ ءَامَنَتۡ بِهِۦ بَنُوٓاْ إِسۡرَـٰٓءِيلَ وَأَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

waxaan tallaabinay Banii Israa'iil Badda waxayna u raaceen Fircoon iyo Qoomkiisii kibir iyo cadaawanimo, markay haleeshay maansheyntiina wuxuu yidhi (Fircoon) waxaan rumeeyey inaan Eebahay rumeeyeen Bani Israa'iil mooyee Ilaah kale jirin waxaana ka mid ahay Muslimiinta.


ءَآلۡـَٰٔنَ وَقَدۡ عَصَيۡتَ قَبۡلُ وَكُنتَ مِنَ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

(Eebe wuxuu yidhi) hadda (Miyaad rumeyn) adoo horay u caasiyey oodna ka mid ahayd kuwa wax fasaadiya.



الصفحة التالية
Icon