خَٰلِدِينَ فِيهَا لَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ

Waxayna kuwaari dhexdeeda (naarta iyo nacaladda) lagamana fududeeyo xagooda cadaabka Loomana sugo.


وَإِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۖ لَّآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ ٱلرَّحۡمَٰنُ ٱلرَّحِيمُ

Eebihiin waa Eebe kaliya isaga mooyee Eebe kalana majiro, Waana naxariis guud iyo mid gaarba naxariiste.


إِنَّ فِي خَلۡقِ ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَٱخۡتِلَٰفِ ٱلَّيۡلِ وَٱلنَّهَارِ وَٱلۡفُلۡكِ ٱلَّتِي تَجۡرِي فِي ٱلۡبَحۡرِ بِمَا يَنفَعُ ٱلنَّاسَ وَمَآ أَنزَلَ ٱللَّهُ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مِن مَّآءٖ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَا وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖ وَتَصۡرِيفِ ٱلرِّيَٰحِ وَٱلسَّحَابِ ٱلۡمُسَخَّرِ بَيۡنَ ٱلسَّمَآءِ وَٱلۡأَرۡضِ لَأٓيَٰتٖ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ

Cirka abuurkiisa iyo dhulka iyo kala duwanaanta Habeenka iyo maalinka iyo doonta La socota badda wax anfaca dadka iyo waxa Eebe ka soo Dajiyay samada oo Biyo ah kuna nooleeyay Dhulka intuu dhintay ka dib, kuna fidiyay Dhulka Daabad kasta iyo gadgadoonka dabaysha iyo Daruuraha loo sahlay Samada iyo Dhulka dhexdiisa waxaa ugu sugan calaamo kuwa wax kasi.


وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَتَّخِذُ مِن دُونِ ٱللَّهِ أَندَادٗا يُحِبُّونَهُمۡ كَحُبِّ ٱللَّهِۖ وَٱلَّذِينَ ءَامَنُوٓاْ أَشَدُّ حُبّٗا لِّلَّهِۗ وَلَوۡ يَرَى ٱلَّذِينَ ظَلَمُوٓاْ إِذۡ يَرَوۡنَ ٱلۡعَذَابَ أَنَّ ٱلۡقُوَّةَ لِلَّهِ جَمِيعٗا وَأَنَّ ٱللَّهَ شَدِيدُ ٱلۡعَذَابِ

Dadka waxaa ka mid ah eid ka yeelan Eebe ka sokow wax lala caabudo una jecelyihiin say u jecelyihiin Eebe, kuwa rumeeyey xaqa yaa ka daran jeceelkooda Eebe, hadday arkaan kuwa dulmiga falay Cadaabka (Aakharo) waxay ogaan lahaan lahaayeen in xoog dhamaantiis u sugnaaday Eebe, Eebana cadabkiisu daranyahay.



الصفحة التالية
Icon