وَعَلَٰمَٰتٖۚ وَبِٱلنَّجۡمِ هُمۡ يَهۡتَدُونَ

Iyo calaamado iyo Xiddigo ay dadku ku toosaan.


أَفَمَن يَخۡلُقُ كَمَن لَّا يَخۡلُقُۚ أَفَلَا تَذَكَّرُونَ

Cidwax abuuri Ma la midbaa mid aan wax Abuurayn miyaydaan wax xasuusanayn.


وَإِن تَعُدُّواْ نِعۡمَةَ ٱللَّهِ لَا تُحۡصُوهَآۗ إِنَّ ٱللَّهَ لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ

Haddaad tirisaan Nicmada Eebe ma koobi Kartaan, Eebana waa danbi dhaafe Naxariista


وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ مَا تُسِرُّونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ

Eebe waa ogyahay waxaad qarsanaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.


وَٱلَّذِينَ يَدۡعُونَ مِن دُونِ ٱللَّهِ لَا يَخۡلُقُونَ شَيۡـٔٗا وَهُمۡ يُخۡلَقُونَ

waxay Caabudayaan oo Eebe ka soo hadhayna ma abuuraan waxba iyagaase la abuuraa.


أَمۡوَٰتٌ غَيۡرُ أَحۡيَآءٖۖ وَمَا يَشۡعُرُونَ أَيَّانَ يُبۡعَثُونَ

waana Mayd aan Noolayn mana oga waqtiga la soo bixin (Dadka).


إِلَٰهُكُمۡ إِلَٰهٞ وَٰحِدٞۚ فَٱلَّذِينَ لَا يُؤۡمِنُونَ بِٱلۡأٓخِرَةِ قُلُوبُهُم مُّنكِرَةٞ وَهُم مُّسۡتَكۡبِرُونَ

ILaahiinnu waa Ilaah kaliya, kuwa aan rumeynin Aakhirana Quluubtoodu way diidi (Kalinimada Eebe), wayna iskibrin.



الصفحة التالية
Icon