ٱلَّذِينَ تَتَوَفَّىٰهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ طَيِّبِينَ يَقُولُونَ سَلَٰمٌ عَلَيۡكُمُ ٱدۡخُلُواْ ٱلۡجَنَّةَ بِمَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Ee ah kuway oofsato Malaa'igtu iyagoo Fiican (Kuna dhihi) Nabadgalyo korkiina ha ahaato ee Ku gala jannada Waxaad camal fali Jirteen Dartiis.


هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن تَأۡتِيَهُمُ ٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ أَوۡ يَأۡتِيَ أَمۡرُ رَبِّكَۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ وَمَا ظَلَمَهُمُ ٱللَّهُ وَلَٰكِن كَانُوٓاْ أَنفُسَهُمۡ يَظۡلِمُونَ

Gaaladuse miyay sugi inay u timaado Malaa'igtu mooyee ama u yimaado Amarka Eebahaa, Saasayna Faleen kuwii ka horeeyay, Mana Dulmiyin Eebe iyagaase dulmiyay Naftooda.


فَأَصَابَهُمۡ سَيِّـَٔاتُ مَا عَمِلُواْ وَحَاقَ بِهِم مَّا كَانُواْ بِهِۦ يَسۡتَهۡزِءُونَ

Waxaana ku dhacay Xumaantii waxay faleen, Waxaana ku dagay (Ciqaahtii) Waxay ku jeesi Jireen.


وَقَالَ ٱلَّذِينَ أَشۡرَكُواْ لَوۡ شَآءَ ٱللَّهُ مَا عَبَدۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖ نَّحۡنُ وَلَآ ءَابَآؤُنَا وَلَا حَرَّمۡنَا مِن دُونِهِۦ مِن شَيۡءٖۚ كَذَٰلِكَ فَعَلَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡۚ فَهَلۡ عَلَى ٱلرُّسُلِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Waxay dhahaan kuwii Eebe la wadaajiyay (Cibaadada) Haduu doono Eebe maanaan caabudneen cid ka Soo Hadhay waxba annaga iyo aabayaalkanno mana Xarrimneen isaga ka sokow waxba, Saasayna faleen Kuwii ka horeeyay ee Rasuullada ma saaran yahay Waxaan gaadhsiin cad ahayn.



الصفحة التالية
Icon