إِنَّمَا قَوۡلُنَا لِشَيۡءٍ إِذَآ أَرَدۡنَٰهُ أَن نَّقُولَ لَهُۥ كُن فَيَكُونُ

haddaan doono arrinna waa inaan uun ku dhahno ahow oy abaato.


وَٱلَّذِينَ هَاجَرُواْ فِي ٱللَّهِ مِنۢ بَعۡدِ مَا ظُلِمُواْ لَنُبَوِّئَنَّهُمۡ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَلَأَجۡرُ ٱلۡأٓخِرَةِ أَكۡبَرُۚ لَوۡ كَانُواْ يَعۡلَمُونَ

kuwii u haajiray dar Eebe intii la dulmiyey ka dib waxaan dejinaynaa adduunka wanaag, ajirka aakhiraana ka wayn hadday wax ogyihiin.


ٱلَّذِينَ صَبَرُواْ وَعَلَىٰ رَبِّهِمۡ يَتَوَكَّلُونَ

waana kuwa samray «adkaystay» Eebahoodna uun tala saarta.


وَمَآ أَرۡسَلۡنَا مِن قَبۡلِكَ إِلَّا رِجَالٗا نُّوحِيٓ إِلَيۡهِمۡۖ فَسۡـَٔلُوٓاْ أَهۡلَ ٱلذِّكۡرِ إِن كُنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

waxaan dirray hortaa Rag aan u waxyoonay, ee warsada kuwa cilmiga leh haddaydaan wax ogayn.


بِٱلۡبَيِّنَٰتِ وَٱلزُّبُرِۗ وَأَنزَلۡنَآ إِلَيۡكَ ٱلذِّكۡرَ لِتُبَيِّنَ لِلنَّاسِ مَا نُزِّلَ إِلَيۡهِمۡ وَلَعَلَّهُمۡ يَتَفَكَّرُونَ

(waxaana la dirray) xujooyin iyo Kutub waxaana kugu soo dejinay Quraanka inaad u caddayso Dadka waxa loo soo dejiyey, inay fikiraan.


أَفَأَمِنَ ٱلَّذِينَ مَكَرُواْ ٱلسَّيِّـَٔاتِ أَن يَخۡسِفَ ٱللَّهُ بِهِمُ ٱلۡأَرۡضَ أَوۡ يَأۡتِيَهُمُ ٱلۡعَذَابُ مِنۡ حَيۡثُ لَا يَشۡعُرُونَ

ma aamin bay ka noqdeen kuwii dhagarta falay in Eebe la gooyo Dhulka, ama uga yimaaddo cadaab meelayna filayn.



الصفحة التالية
Icon