وَلَهُۥ مَا فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَلَهُ ٱلدِّينُ وَاصِبًاۚ أَفَغَيۡرَ ٱللَّهِ تَتَّقُونَ

Eebe waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan, waxaana u sugnaaday Diin (Cibaado) Joogta ah, ee nia Eebe cidaan ahayn yaad ka dhawrsanaysaan.


وَمَا بِكُم مِّن نِّعۡمَةٖ فَمِنَ ٱللَّهِۖ ثُمَّ إِذَا مَسَّكُمُ ٱلضُّرُّ فَإِلَيۡهِ تَجۡـَٔرُونَ

Waxa Niema ah ood haysataan waxay ka timid Eebe markuu idin Taabsiiyo Dhibna xaggiisaad u Qaylyeysaan.


ثُمَّ إِذَا كَشَفَ ٱلضُّرَّ عَنكُمۡ إِذَا فَرِيقٞ مِّنكُم بِرَبِّهِمۡ يُشۡرِكُونَ

Markuu idinka Faydo Dhibkana Koox idinka mida yaa Eebahood la wadaajisa (Cibaadada).


لِيَكۡفُرُواْ بِمَآ ءَاتَيۡنَٰهُمۡۚ فَتَمَتَّعُواْ فَسَوۡفَ تَعۡلَمُونَ

Inay ka Gaaloobaan waxaan siinnay, Raaxaysta waad Ogaan doontaan «Cidhibta Xaalkiinne».


وَيَجۡعَلُونَ لِمَا لَا يَعۡلَمُونَ نَصِيبٗا مِّمَّا رَزَقۡنَٰهُمۡۗ تَٱللَّهِ لَتُسۡـَٔلُنَّ عَمَّا كُنتُمۡ تَفۡتَرُونَ

Waxay u yeelaan waxayna ogayn Qayb waxaan ku Arzaaqnay ka mida, Dhaar Eebee waa laydin warsan (Gaaloy) waxaad Been Abuuranaysaan.


وَيَجۡعَلُونَ لِلَّهِ ٱلۡبَنَٰتِ سُبۡحَٰنَهُۥ وَلَهُم مَّا يَشۡتَهُونَ

Waxayna u yeelaan Eebe Gabdho waa ka Nasahanyahay, iyaguna waxay yeelan waxay rabaan.



الصفحة التالية
Icon