تَٱللَّهِ لَقَدۡ أَرۡسَلۡنَآ إِلَىٰٓ أُمَمٖ مِّن قَبۡلِكَ فَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَهُوَ وَلِيُّهُمُ ٱلۡيَوۡمَ وَلَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ

Dhaar Eebee waxaan (Rasuullo) u dirray Umado kaa horreeyey wuxuuna u Qurxiyey Shaydaan camalkooda isagaana sokeeye u ah Maanta waxayna mudan Cadaab daran.


وَمَآ أَنزَلۡنَا عَلَيۡكَ ٱلۡكِتَٰبَ إِلَّا لِتُبَيِّنَ لَهُمُ ٱلَّذِي ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لِّقَوۡمٖ يُؤۡمِنُونَ

Quraankana waxaan uun kuugu soo Dejinay inaad u Caddaysid Dadka waxay isku Khilaafsanyihiin iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddii Rumayn.


وَٱللَّهُ أَنزَلَ مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَحۡيَا بِهِ ٱلۡأَرۡضَ بَعۡدَ مَوۡتِهَآۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَسۡمَعُونَ

Eebana waa kan ka soo Dejiya Samada Biyo, kuna Nooleeya Dhulka Abaar ka dib, Arrintaasna Calaamad yaa ugu sugan Ciddii wax maqli.


وَإِنَّ لَكُمۡ فِي ٱلۡأَنۡعَٰمِ لَعِبۡرَةٗۖ نُّسۡقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِۦ مِنۢ بَيۡنِ فَرۡثٖ وَدَمٖ لَّبَنًا خَالِصٗا سَآئِغٗا لِّلشَّـٰرِبِينَ

Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Digo iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbi.


وَمِن ثَمَرَٰتِ ٱلنَّخِيلِ وَٱلۡأَعۡنَٰبِ تَتَّخِذُونَ مِنۡهُ سَكَرٗا وَرِزۡقًا حَسَنًاۚ إِنَّ فِي ذَٰلِكَ لَأٓيَةٗ لِّقَوۡمٖ يَعۡقِلُونَ

iyo Midhaha Timirta iyo Cinabka ood ka yeelataan Cabbid iyo Risqi Fiican, Arrintaasna Calaamadbaa ugu sugan cidii wax kasi.



الصفحة التالية
Icon