وَٱللَّهُ جَعَلَ لَكُم مِّمَّا خَلَقَ ظِلَٰلٗا وَجَعَلَ لَكُم مِّنَ ٱلۡجِبَالِ أَكۡنَٰنٗا وَجَعَلَ لَكُمۡ سَرَٰبِيلَ تَقِيكُمُ ٱلۡحَرَّ وَسَرَٰبِيلَ تَقِيكُم بَأۡسَكُمۡۚ كَذَٰلِكَ يُتِمُّ نِعۡمَتَهُۥ عَلَيۡكُمۡ لَعَلَّكُمۡ تُسۡلِمُونَ

Eebe wuxuu idiinka yeelay wuxuu abuuray (Geedaha) hadh, wuxuuna idiinka yeelay Buuraha Dugaal, idiinkana yeelay dhar idinka dhawra kulaylka iyo Qamiis Bireed idinka dhawrta (Dhibka) Dagaalka, saasuuna idiinku Taamyeeli Eebe Nicmadiisa inaad Islaam noqotaan (Xaqa raacdaan).


فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡكَ ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

hadday jeedsadaan waxaa uun korkaaga ah gaadhsiin cad.


يَعۡرِفُونَ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ ثُمَّ يُنكِرُونَهَا وَأَكۡثَرُهُمُ ٱلۡكَٰفِرُونَ

way garan Nicmada Eebe wayna dafiri, badankooduna waa Gaalo.


وَيَوۡمَ نَبۡعَثُ مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا ثُمَّ لَا يُؤۡذَنُ لِلَّذِينَ كَفَرُواْ وَلَا هُمۡ يُسۡتَعۡتَبُونَ

(Xusuusi) maalintaan ka soo bixin Umad kasta marag, markaasna aan loo Idmayn kuwii Gaaloobay cudar daarasho, Lagana doonayn cudur daar.


وَإِذَا رَءَا ٱلَّذِينَ ظَلَمُواْ ٱلۡعَذَابَ فَلَا يُخَفَّفُ عَنۡهُمۡ وَلَا هُمۡ يُنظَرُونَ

Markay arkan kuwii Dulmi falay Cadaabka Lagama fududeeyo xaggooda lamana sugo.



الصفحة التالية
Icon