لَا جَرَمَ أَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ هُمُ ٱلۡخَٰسِرُونَ

Waxaa sugan in kuwaasu aakharo ay Iyagu uun Khasaareen


ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ هَاجَرُواْ مِنۢ بَعۡدِ مَا فُتِنُواْ ثُمَّ جَٰهَدُواْ وَصَبَرُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٞ

Eebahaase kuwa Hijrooday intii la fidmeeyey (la dhibay) ka dib markaas jahaaday oo samray (adkaystay) Eebahaana intaas ka dib waa u dambi dhaafe Naxariista.


۞يَوۡمَ تَأۡتِي كُلُّ نَفۡسٖ تُجَٰدِلُ عَن نَّفۡسِهَا وَتُوَفَّىٰ كُلُّ نَفۡسٖ مَّا عَمِلَتۡ وَهُمۡ لَا يُظۡلَمُونَ

waana Maalin ay imaan naf walba iyadoo ka doodi (Daafici) nafteeda oo loo Oofin naf kasta waxay fasahay lana duminayn.


وَضَرَبَ ٱللَّهُ مَثَلٗا قَرۡيَةٗ كَانَتۡ ءَامِنَةٗ مُّطۡمَئِنَّةٗ يَأۡتِيهَا رِزۡقُهَا رَغَدٗا مِّن كُلِّ مَكَانٖ فَكَفَرَتۡ بِأَنۡعُمِ ٱللَّهِ فَأَذَٰقَهَا ٱللَّهُ لِبَاسَ ٱلۡجُوعِ وَٱلۡخَوۡفِ بِمَا كَانُواْ يَصۡنَعُونَ

Eebe wuxuu tusaale ka yeelay Magaalo ahayd aamin oo xasiloon ugana yimaaddo risqigeedu (Cunnada) oo barwaaqo ah meel kasta oo ka Gaalowday Nicmooyinkii Eebe oo Eebe dhadhansiiyey Gaajo dabooshay iyo cabsi waxay sameynayeen darteed.


وَلَقَدۡ جَآءَهُمۡ رَسُولٞ مِّنۡهُمۡ فَكَذَّبُوهُ فَأَخَذَهُمُ ٱلۡعَذَابُ وَهُمۡ ظَٰلِمُونَ

waxaa dhab ahaan ugu yimid Rasuul ka mida wayna beeniyeen, waxaana qabtay Cadaab iyagoo Daalimiina.



الصفحة التالية
Icon