ثُمَّ إِنَّ رَبَّكَ لِلَّذِينَ عَمِلُواْ ٱلسُّوٓءَ بِجَهَٰلَةٖ ثُمَّ تَابُواْ مِنۢ بَعۡدِ ذَٰلِكَ وَأَصۡلَحُوٓاْ إِنَّ رَبَّكَ مِنۢ بَعۡدِهَا لَغَفُورٞ رَّحِيمٌ

markaas Eebahaa kuwa xumaan ku fala Jaahilnimo markaas toobadkeena intaas ka dib oo suubiya Camalka eebahaa ka dib wuu u dhaafi una Naxariisan.


إِنَّ إِبۡرَٰهِيمَ كَانَ أُمَّةٗ قَانِتٗا لِّلَّهِ حَنِيفٗا وَلَمۡ يَكُ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

(Nabi) Ibraahim wuxuu ahaa Umad «Khayr Fare» Eebe adeece Xaqa u iishe mana ka mid ahayn Mushrikiinta.


شَاكِرٗا لِّأَنۡعُمِهِۚ ٱجۡتَبَىٰهُ وَهَدَىٰهُ إِلَىٰ صِرَٰطٖ مُّسۡتَقِيمٖ

Kuna shukriya Nicmada Eebe wuuna doortay wuxuuna ku hanuuniyey Jidka Toosan.


وَءَاتَيۡنَٰهُ فِي ٱلدُّنۡيَا حَسَنَةٗۖ وَإِنَّهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ لَمِنَ ٱلصَّـٰلِحِينَ

waxaana siinay Adduunka wanaag, aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa Suuban.


ثُمَّ أَوۡحَيۡنَآ إِلَيۡكَ أَنِ ٱتَّبِعۡ مِلَّةَ إِبۡرَٰهِيمَ حَنِيفٗاۖ وَمَا كَانَ مِنَ ٱلۡمُشۡرِكِينَ

markaas waxaan kuu waxyoonay Nabiyow raac Diinta (Nabi) Ibraahim ee Toosan kama mid ahayn Mushriikiinta.


إِنَّمَا جُعِلَ ٱلسَّبۡتُ عَلَى ٱلَّذِينَ ٱخۡتَلَفُواْ فِيهِۚ وَإِنَّ رَبَّكَ لَيَحۡكُمُ بَيۡنَهُمۡ يَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ فِيمَا كَانُواْ فِيهِ يَخۡتَلِفُونَ

Sabtida waxaa uun looyeelay kuwii isku khilaafay, Eebahaana wuu kala xukumi dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay isku Khilaafayeen.



الصفحة التالية
Icon