ٱلۡحَجُّ أَشۡهُرٞ مَّعۡلُومَٰتٞۚ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ ٱلۡحَجَّ فَلَا رَفَثَ وَلَا فُسُوقَ وَلَا جِدَالَ فِي ٱلۡحَجِّۗ وَمَا تَفۡعَلُواْ مِنۡ خَيۡرٖ يَعۡلَمۡهُ ٱللَّهُۗ وَتَزَوَّدُواْ فَإِنَّ خَيۡرَ ٱلزَّادِ ٱلتَّقۡوَىٰۖ وَٱتَّقُونِ يَـٰٓأُوْلِي ٱلۡأَلۡبَٰبِ

Xajka waa Bilo la yaqaan, ee ruuxii gudagala bilahaas Xajka, isutagid, fisqu iyo muran ma jiro Xajka dhexdiisa, waxaad fashaan oo khayr ah wuu ogaan Eebe, ee sahay qaara, sahay tan u khayrbadanna waa dhawrsashada, ee iga dhawrsada kuwa caqliga lahow.


لَيۡسَ عَلَيۡكُمۡ جُنَاحٌ أَن تَبۡتَغُواْ فَضۡلٗا مِّن رَّبِّكُمۡۚ فَإِذَآ أَفَضۡتُم مِّنۡ عَرَفَٰتٖ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ عِندَ ٱلۡمَشۡعَرِ ٱلۡحَرَامِۖ وَٱذۡكُرُوهُ كَمَا هَدَىٰكُمۡ وَإِن كُنتُم مِّن قَبۡلِهِۦ لَمِنَ ٱلضَّآلِّينَ

korkiina wax dhib ah ma aha haddaad dalabtaan fadliga Eebihiin (ganacsi) ee markaad ka soo gadoontaan Carrafo ku xusa Eebe mashearulxaraam agtiisa, una xusa siduu iddin hanuuniyey, waxaadna ahaydeen xaqa hortiis kuwa dhunsan.


ثُمَّ أَفِيضُواْ مِنۡ حَيۡثُ أَفَاضَ ٱلنَّاسُ وَٱسۡتَغۡفِرُواْ ٱللَّهَۚ إِنَّ ٱللَّهَ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

markaas ka gadooma meesha Dadka ka gaddoomi dambidhaafna waydiista Eebe, ilaahay waa dambi dhaafe naxariistee.


فَإِذَا قَضَيۡتُم مَّنَٰسِكَكُمۡ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَذِكۡرِكُمۡ ءَابَآءَكُمۡ أَوۡ أَشَدَّ ذِكۡرٗاۗ فَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَقُولُ رَبَّنَآ ءَاتِنَا فِي ٱلدُّنۡيَا وَمَا لَهُۥ فِي ٱلۡأٓخِرَةِ مِنۡ خَلَٰقٖ

markaad gudataa camalkiina xusa Eebe saad u xustaan Aabayowgiin ama si ka daran u xusa, Dadka waxaa ka mid ah kuwo dhihi Eebow na sii adduunka wanaag, aan kuna lahayn Aakhiro qayb.



الصفحة التالية
Icon