قَالَ أَرَءَيۡتَ إِذۡ أَوَيۡنَآ إِلَى ٱلصَّخۡرَةِ فَإِنِّي نَسِيتُ ٱلۡحُوتَ وَمَآ أَنسَىٰنِيهُ إِلَّا ٱلشَّيۡطَٰنُ أَنۡ أَذۡكُرَهُۥۚ وَٱتَّخَذَ سَبِيلَهُۥ فِي ٱلۡبَحۡرِ عَجَبٗا

wuxuu yidhi (yarkii) ka warran markaan u dumannay dhagixii inaan halmaamay kalluunkii wax i halmaansiiyey oon shaydaan ahayn inaan xusuusto ma jiro, wuxuuna ka dhigtay waddadiisa badda la yaab.


قَالَ ذَٰلِكَ مَا كُنَّا نَبۡغِۚ فَٱرۡتَدَّا عَلَىٰٓ ءَاثَارِهِمَا قَصَصٗا

wuxuu yidhi (Nabi Muuse) kaasi waa kaan doonaynay, waxayna ku noqdeen raadkoodii iyagoo raaci.


فَوَجَدَا عَبۡدٗا مِّنۡ عِبَادِنَآ ءَاتَيۡنَٰهُ رَحۡمَةٗ مِّنۡ عِندِنَا وَعَلَّمۡنَٰهُ مِن لَّدُنَّا عِلۡمٗا

waxayna ka heleen addoon ka mid ah addoomadanada oon siinay naxariis agtanada ah ka barneyna agtanada cilmi.


قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰ هَلۡ أَتَّبِعُكَ عَلَىٰٓ أَن تُعَلِّمَنِ مِمَّا عُلِّمۡتَ رُشۡدٗا

wuxuu ku yidhi muuse ma ku raaci karaa inaad i bartid waxa lagu baray oo hanuun ah.


قَالَ إِنَّكَ لَن تَسۡتَطِيعَ مَعِيَ صَبۡرٗا

wuxuuna ku yidhi (Khadir) adigu ma karaysid la jirkayga samir.


وَكَيۡفَ تَصۡبِرُ عَلَىٰ مَا لَمۡ تُحِطۡ بِهِۦ خُبۡرٗا

seed ugu samri waxaadan koobin cilmi (aqoon).



الصفحة التالية
Icon