وَإِذَا قِيلَ لَهُ ٱتَّقِ ٱللَّهَ أَخَذَتۡهُ ٱلۡعِزَّةُ بِٱلۡإِثۡمِۚ فَحَسۡبُهُۥ جَهَنَّمُۖ وَلَبِئۡسَ ٱلۡمِهَادُ

marka loo dhoho ka dhawrso Eebana waxa qabata isla weyni dambi dartiis, waxaa ku filan jahannamo iyadaana u xun gogol.


وَمِنَ ٱلنَّاسِ مَن يَشۡرِي نَفۡسَهُ ٱبۡتِغَآءَ مَرۡضَاتِ ٱللَّهِۚ وَٱللَّهُ رَءُوفُۢ بِٱلۡعِبَادِ

dadkana waxaa ka mid ah mid ku gadi naftiisa dalab raali ahaanshah Eebe, Eebana waa u naxariistaha addoomada.


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱدۡخُلُواْ فِي ٱلسِّلۡمِ كَآفَّةٗ وَلَا تَتَّبِعُواْ خُطُوَٰتِ ٱلشَّيۡطَٰنِۚ إِنَّهُۥ لَكُمۡ عَدُوّٞ مُّبِينٞ

kuwa xqqa rumeeyow u gala Islaamka dhammaan (kuna camal fala) hana raacina Waddooyinka Shaydaanka, wuxuu idiin yahay col Cade.


فَإِن زَلَلۡتُم مِّنۢ بَعۡدِ مَا جَآءَتۡكُمُ ٱلۡبَيِّنَٰتُ فَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ عَزِيزٌ حَكِيمٌ

haddaad simbiriiraxataan intuu idiin yimid xujooyin ogaada in Eebe yahay adkaade falsan.


هَلۡ يَنظُرُونَ إِلَّآ أَن يَأۡتِيَهُمُ ٱللَّهُ فِي ظُلَلٖ مِّنَ ٱلۡغَمَامِ وَٱلۡمَلَـٰٓئِكَةُ وَقُضِيَ ٱلۡأَمۡرُۚ وَإِلَى ٱللَّهِ تُرۡجَعُ ٱلۡأُمُورُ

miyey sugi inuu Eebe u yimaaddo ciqaabtiisa Hoos Daruura ah mooyee, iyo Malaa'igtu lana xukumo amarka, xagga Eebaana loo celin umuuraha.



الصفحة التالية
Icon