فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا تَحِلُّ لَهُۥ مِنۢ بَعۡدُ حَتَّىٰ تَنكِحَ زَوۡجًا غَيۡرَهُۥۗ فَإِن طَلَّقَهَا فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡهِمَآ أَن يَتَرَاجَعَآ إِن ظَنَّآ أَن يُقِيمَا حُدُودَ ٱللَّهِۗ وَتِلۡكَ حُدُودُ ٱللَّهِ يُبَيِّنُهَا لِقَوۡمٖ يَعۡلَمُونَ

hadduu furo uma banaana kadib intay ka guursato Nin kale, hadduu (kaasi) furana dhib ma saarra hadday is Ceshadaan (Isguursadaan) hadday u malayn inayoogixuduudda Eebe, taasi waa xuduudda Eebe wuxuuna u caddayn ciddi wax og.


وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَأَمۡسِكُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٍ أَوۡ سَرِّحُوهُنَّ بِمَعۡرُوفٖۚ وَلَا تُمۡسِكُوهُنَّ ضِرَارٗا لِّتَعۡتَدُواْۚ وَمَن يَفۡعَلۡ ذَٰلِكَ فَقَدۡ ظَلَمَ نَفۡسَهُۥۚ وَلَا تَتَّخِذُوٓاْ ءَايَٰتِ ٱللَّهِ هُزُوٗاۚ وَٱذۡكُرُواْ نِعۡمَتَ ٱللَّهِ عَلَيۡكُمۡ وَمَآ أَنزَلَ عَلَيۡكُم مِّنَ ٱلۡكِتَٰبِ وَٱلۡحِكۡمَةِ يَعِظُكُم بِهِۦۚ وَٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَٱعۡلَمُوٓاْ أَنَّ ٱللَّهَ بِكُلِّ شَيۡءٍ عَلِيمٞ

haddaad furtaan Haweenka oy gaadhaan mudadooda u haysta si fiican ama u siidaaya si fiican, hana u haysanina inaad dhibtaan si aad u xadgudubtaan. ruuxii fala sidaas wuxuu dulmiyey naftiisa, ee ha ka yeelina aayaadka Eebe jees jees, xusuustana Nicmada Eebe ee korkiina, iyo wuxuu ku dejiyey korkinna oo Kitaab iyo xigmad ah (Sunnada) wuu idinku wacdoon Eebe Quraanka, ee ka dhawrsada Eebe, ogaadana in Eebe wax kasta ogyahay.


وَإِذَا طَلَّقۡتُمُ ٱلنِّسَآءَ فَبَلَغۡنَ أَجَلَهُنَّ فَلَا تَعۡضُلُوهُنَّ أَن يَنكِحۡنَ أَزۡوَٰجَهُنَّ إِذَا تَرَٰضَوۡاْ بَيۡنَهُم بِٱلۡمَعۡرُوفِۗ ذَٰلِكَ يُوعَظُ بِهِۦ مَن كَانَ مِنكُمۡ يُؤۡمِنُ بِٱللَّهِ وَٱلۡيَوۡمِ ٱلۡأٓخِرِۗ ذَٰلِكُمۡ أَزۡكَىٰ لَكُمۡ وَأَطۡهَرُۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

haddaad furtaan Haweenka oo ay gaadhaan mudadooda ha u diidina inay guursadaan nimankooda hadday raalli isu noqdaan si fiican, arrintaasu waa mid la idinku waanin ciddi idinka mid ah oo rumayn Eebe iyo Maalinta dambe, saasaana idiin waanaagsan oo idiin nadiifsan, Eebana waa ogyahay idinkuna ma ogidin.



الصفحة التالية
Icon