إِذۡ تَلَقَّوۡنَهُۥ بِأَلۡسِنَتِكُمۡ وَتَقُولُونَ بِأَفۡوَاهِكُم مَّا لَيۡسَ لَكُم بِهِۦ عِلۡمٞ وَتَحۡسَبُونَهُۥ هَيِّنٗا وَهُوَ عِندَ ٱللَّهِ عَظِيمٞ

Markaad kula kulmaysaan Qadafka Carrabkiinna oo ku Dhahaysaan Afkiinna waxaydaan Ogayn, una Malaynaysaan wax Fudud Isagoo Eebe Agtiisa ku wayn.


وَلَوۡلَآ إِذۡ سَمِعۡتُمُوهُ قُلۡتُم مَّا يَكُونُ لَنَآ أَن نَّتَكَلَّمَ بِهَٰذَا سُبۡحَٰنَكَ هَٰذَا بُهۡتَٰنٌ عَظِيمٞ

Markaad Maqasheen Maad Dhahdaan Nooma Habboona Inaan ku Haddallo kan, Eebaa Nasahan ee kan (Qadafka) waa Been Abuur wayn.


يَعِظُكُمُ ٱللَّهُ أَن تَعُودُواْ لِمِثۡلِهِۦٓ أَبَدًا إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

wuu idinka Waanin Eebe inaad u Noqotaan Isagoo kale Waligeed Haddaad Tihiin Mu'miniin.


وَيُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمُ ٱلۡأٓيَٰتِۚ وَٱللَّهُ عَلِيمٌ حَكِيمٌ

Wuxuuna idiin Caddayn Eebe Aayaadkiisa, Eebana waa Oge Falsan.


إِنَّ ٱلَّذِينَ يُحِبُّونَ أَن تَشِيعَ ٱلۡفَٰحِشَةُ فِي ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ لَهُمۡ عَذَابٌ أَلِيمٞ فِي ٱلدُّنۡيَا وَٱلۡأٓخِرَةِۚ وَٱللَّهُ يَعۡلَمُ وَأَنتُمۡ لَا تَعۡلَمُونَ

Kuwa Jecel inay ku Faafto Xumaantu Kuwa Rumeeyey (Xaqa) waxaa u Sugnaaday Cadaab daran Adduuniyo Aakhiraba, Eebena waa Ogyahay idinkuna ma Ogidin.



الصفحة التالية
Icon