وَأَنكِحُواْ ٱلۡأَيَٰمَىٰ مِنكُمۡ وَٱلصَّـٰلِحِينَ مِنۡ عِبَادِكُمۡ وَإِمَآئِكُمۡۚ إِن يَكُونُواْ فُقَرَآءَ يُغۡنِهِمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۗ وَٱللَّهُ وَٰسِعٌ عَلِيمٞ

U Guuriya Xaaslaawaha Idinka Mid ah iyo Kuwa Suuban oo Addoomadiinna ah (Rag iyo Haweenba) hadday Sabool Yihiin wuxuu ka Hodmin Eebe Fadligiisa, Eebana waa Waasac (Fadligiisu) Waana Oge.


وَلۡيَسۡتَعۡفِفِ ٱلَّذِينَ لَا يَجِدُونَ نِكَاحًا حَتَّىٰ يُغۡنِيَهُمُ ٱللَّهُ مِن فَضۡلِهِۦۗ وَٱلَّذِينَ يَبۡتَغُونَ ٱلۡكِتَٰبَ مِمَّا مَلَكَتۡ أَيۡمَٰنُكُمۡ فَكَاتِبُوهُمۡ إِنۡ عَلِمۡتُمۡ فِيهِمۡ خَيۡرٗاۖ وَءَاتُوهُم مِّن مَّالِ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ ءَاتَىٰكُمۡۚ وَلَا تُكۡرِهُواْ فَتَيَٰتِكُمۡ عَلَى ٱلۡبِغَآءِ إِنۡ أَرَدۡنَ تَحَصُّنٗا لِّتَبۡتَغُواْ عَرَضَ ٱلۡحَيَوٰةِ ٱلدُّنۡيَاۚ وَمَن يُكۡرِههُّنَّ فَإِنَّ ٱللَّهَ مِنۢ بَعۡدِ إِكۡرَٰهِهِنَّ غَفُورٞ رَّحِيمٞ

Hase Dhawrsadeen Kuwaan Helayn (awood) Guur inta Eebe kaga Hodmin Fadligiisa, kuwa Dooni Inay Isfurtaan oo Hanatay Gacantiinnu Kitaabeeya (Ka Ogolaada) Haddaad ku Ogtihiin Khayr, wax ka Siiyana Xoolaha Eebe ee uu Idin Siiyey, hana ku Qasbina Gabdhihiinna (aad Ilanataan) Zino Hadday Doonaan Dhawrsooni Idinkoo Dooni Sadka Nolosha Adduunyada, Ciddii Qasabta Eebe Qasabkaas ka Dib waa Dambi Dhaafe Naxariista.


وَلَقَدۡ أَنزَلۡنَآ إِلَيۡكُمۡ ءَايَٰتٖ مُّبَيِّنَٰتٖ وَمَثَلٗا مِّنَ ٱلَّذِينَ خَلَوۡاْ مِن قَبۡلِكُمۡ وَمَوۡعِظَةٗ لِّلۡمُتَّقِينَ

Waxaan idiin soo Dejinay Aayaad Cad Cad iyo Tusaale Kuwii Tagay ee Idinka Horreeyey iyo Waanada kuwa Dhawrsada.



الصفحة التالية
Icon