حَٰفِظُواْ عَلَى ٱلصَّلَوَٰتِ وَٱلصَّلَوٰةِ ٱلۡوُسۡطَىٰ وَقُومُواْ لِلَّهِ قَٰنِتِينَ

xifdiya (ilaaliya) Salaadaha iyo Salaadda dhexe (sharafta badan) (Carsaka) una istaaga dar Eebe idinkoo adeeci, (khushuuci).


فَإِنۡ خِفۡتُمۡ فَرِجَالًا أَوۡ رُكۡبَانٗاۖ فَإِذَآ أَمِنتُمۡ فَٱذۡكُرُواْ ٱللَّهَ كَمَا عَلَّمَكُم مَّا لَمۡ تَكُونُواْ تَعۡلَمُونَ

haddaad cabsataan Tukada idinkoo lug ah ama saaran gaadiid. markaad aamin noqotaan xusa Eebe siduu idiin baray waxaydaan aqoonin, (caadi u tukada).


وَٱلَّذِينَ يُتَوَفَّوۡنَ مِنكُمۡ وَيَذَرُونَ أَزۡوَٰجٗا وَصِيَّةٗ لِّأَزۡوَٰجِهِم مَّتَٰعًا إِلَى ٱلۡحَوۡلِ غَيۡرَ إِخۡرَاجٖۚ فَإِنۡ خَرَجۡنَ فَلَا جُنَاحَ عَلَيۡكُمۡ فِي مَا فَعَلۡنَ فِيٓ أَنفُسِهِنَّ مِن مَّعۡرُوفٖۗ وَٱللَّهُ عَزِيزٌ حَكِيمٞ

kuwa la oofsado (dhinto) idinka mid ah kana taga Haween dardaaranka Haweenkoodu waa u raaxayn tan iyo Sano iyagoon la bixinayn, haddayse baxaan dhib (Dambi) ma saarra korkiinna waxay ku falaan naftooda oo wanaag ah, Eebana waa adkaade falsan.


وَلِلۡمُطَلَّقَٰتِ مَتَٰعُۢ بِٱلۡمَعۡرُوفِۖ حَقًّا عَلَى ٱلۡمُتَّقِينَ

kuwa la furo waxaa u sugnaaday gacan maris (Mataac) si fiican, waxayna ku tahay Xaq kuwa dhawrsada.


كَذَٰلِكَ يُبَيِّنُ ٱللَّهُ لَكُمۡ ءَايَٰتِهِۦ لَعَلَّكُمۡ تَعۡقِلُونَ

saasuuna Eebe idiinku caddayn aayaadkiisa inaad kastaan darteed.



الصفحة التالية
Icon