وَمَن يُطِعِ ٱللَّهَ وَرَسُولَهُۥ وَيَخۡشَ ٱللَّهَ وَيَتَّقۡهِ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَآئِزُونَ

Ciddii Adeecda Eebe iyo Rasuulkiisa oo Cabsata kana Dhawrsata Kuwaasi waa uun kuwa Liibaanay.


۞وَأَقۡسَمُواْ بِٱللَّهِ جَهۡدَ أَيۡمَٰنِهِمۡ لَئِنۡ أَمَرۡتَهُمۡ لَيَخۡرُجُنَّۖ قُل لَّا تُقۡسِمُواْۖ طَاعَةٞ مَّعۡرُوفَةٌۚ إِنَّ ٱللَّهَ خَبِيرُۢ بِمَا تَعۡمَلُونَ

Waxay ugu Dhaarteen Eebe (Munaafiqiinta) Dhaar Daran inay u Baxaan (Jahaad) waxaad Dhahdaa ha Dhaaranina Adeecid la Yaqaan (ha Ahaado Xaalkiinnu) Eebana waa Ogyahay waxaad Falaysaan.


قُلۡ أَطِيعُواْ ٱللَّهَ وَأَطِيعُواْ ٱلرَّسُولَۖ فَإِن تَوَلَّوۡاْ فَإِنَّمَا عَلَيۡهِ مَا حُمِّلَ وَعَلَيۡكُم مَّا حُمِّلۡتُمۡۖ وَإِن تُطِيعُوهُ تَهۡتَدُواْۚ وَمَا عَلَى ٱلرَّسُولِ إِلَّا ٱلۡبَلَٰغُ ٱلۡمُبِينُ

Waxaad Dhahdaa Addeeca Eebe oo Adeeca Rasuulka Haddaad Jeedsataanna waxaa uun Korkiisa ah (Nabiga) waxa la Saaray (la Faray) idinkana waxa Korkiinna ah waxa laydin Saaray (Xaq raacid) haddaad Addeecdaan (Nabiga) waad Hanuunaysaan, Rasuulkana ma Saarra waxaan Gaadhsiin Cad ahayn.


وَعَدَ ٱللَّهُ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ مِنكُمۡ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَيَسۡتَخۡلِفَنَّهُمۡ فِي ٱلۡأَرۡضِ كَمَا ٱسۡتَخۡلَفَ ٱلَّذِينَ مِن قَبۡلِهِمۡ وَلَيُمَكِّنَنَّ لَهُمۡ دِينَهُمُ ٱلَّذِي ٱرۡتَضَىٰ لَهُمۡ وَلَيُبَدِّلَنَّهُم مِّنۢ بَعۡدِ خَوۡفِهِمۡ أَمۡنٗاۚ يَعۡبُدُونَنِي لَا يُشۡرِكُونَ بِي شَيۡـٔٗاۚ وَمَن كَفَرَ بَعۡدَ ذَٰلِكَ فَأُوْلَـٰٓئِكَ هُمُ ٱلۡفَٰسِقُونَ

Wuxuu u Yaboohay Eebe kuwa Rumeeyay Xaqa oo Camal Fiican Falay inuu u Reebo Dhulka siduu ugu Reebay kuwii ka Horreeyay, wuxuuna Makanin Diintooda uu uga Raalli Noqday wuxuuna ugu Badali Cabsidooda ka Dib Nabadgalyo, wayna I cabudi Ilamana Wadaajiyaan waxba, Ciddii Gaalowda intaas Ka Dibna kuwaasu waa uun Faasiqiin.



الصفحة التالية
Icon