فَلَمَّا جَآءَتۡهُمۡ ءَايَٰتُنَا مُبۡصِرَةٗ قَالُواْ هَٰذَا سِحۡرٞ مُّبِينٞ

Markay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad.


وَجَحَدُواْ بِهَا وَٱسۡتَيۡقَنَتۡهَآ أَنفُسُهُمۡ ظُلۡمٗا وَعُلُوّٗاۚ فَٱنظُرۡ كَيۡفَ كَانَ عَٰقِبَةُ ٱلۡمُفۡسِدِينَ

Wayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha).


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا دَاوُۥدَ وَسُلَيۡمَٰنَ عِلۡمٗاۖ وَقَالَا ٱلۡحَمۡدُ لِلَّهِ ٱلَّذِي فَضَّلَنَا عَلَىٰ كَثِيرٖ مِّنۡ عِبَادِهِ ٱلۡمُؤۡمِنِينَ

Waxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah.


وَوَرِثَ سُلَيۡمَٰنُ دَاوُۥدَۖ وَقَالَ يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ عُلِّمۡنَا مَنطِقَ ٱلطَّيۡرِ وَأُوتِينَا مِن كُلِّ شَيۡءٍۖ إِنَّ هَٰذَا لَهُوَ ٱلۡفَضۡلُ ٱلۡمُبِينُ

Wuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad.


وَحُشِرَ لِسُلَيۡمَٰنَ جُنُودُهُۥ مِنَ ٱلۡجِنِّ وَٱلۡإِنسِ وَٱلطَّيۡرِ فَهُمۡ يُوزَعُونَ

Waxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh, iyagoo iseeleelin.



الصفحة التالية
Icon