إِنِّي وَجَدتُّ ٱمۡرَأَةٗ تَمۡلِكُهُمۡ وَأُوتِيَتۡ مِن كُلِّ شَيۡءٖ وَلَهَا عَرۡشٌ عَظِيمٞ

Waxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn.


وَجَدتُّهَا وَقَوۡمَهَا يَسۡجُدُونَ لِلشَّمۡسِ مِن دُونِ ٱللَّهِ وَزَيَّنَ لَهُمُ ٱلشَّيۡطَٰنُ أَعۡمَٰلَهُمۡ فَصَدَّهُمۡ عَنِ ٱلسَّبِيلِ فَهُمۡ لَا يَهۡتَدُونَ

Waxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.


أَلَّاۤ يَسۡجُدُواْۤ لِلَّهِ ٱلَّذِي يُخۡرِجُ ٱلۡخَبۡءَ فِي ٱلسَّمَٰوَٰتِ وَٱلۡأَرۡضِ وَيَعۡلَمُ مَا تُخۡفُونَ وَمَا تُعۡلِنُونَ

May u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.


ٱللَّهُ لَآ إِلَٰهَ إِلَّا هُوَ رَبُّ ٱلۡعَرۡشِ ٱلۡعَظِيمِ۩

Ilaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha Carshiga Wayn.


۞قَالَ سَنَنظُرُ أَصَدَقۡتَ أَمۡ كُنتَ مِنَ ٱلۡكَٰذِبِينَ

Wuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha.


ٱذۡهَب بِّكِتَٰبِي هَٰذَا فَأَلۡقِهۡ إِلَيۡهِمۡ ثُمَّ تَوَلَّ عَنۡهُمۡ فَٱنظُرۡ مَاذَا يَرۡجِعُونَ

La Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri waxay soo Celiyaan.



الصفحة التالية
Icon