وَتَرَى ٱلۡجِبَالَ تَحۡسَبُهَا جَامِدَةٗ وَهِيَ تَمُرُّ مَرَّ ٱلسَّحَابِۚ صُنۡعَ ٱللَّهِ ٱلَّذِيٓ أَتۡقَنَ كُلَّ شَيۡءٍۚ إِنَّهُۥ خَبِيرُۢ بِمَا تَفۡعَلُونَ

Waxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha waxaad Falayasaaan.


مَن جَآءَ بِٱلۡحَسَنَةِ فَلَهُۥ خَيۡرٞ مِّنۡهَا وَهُم مِّن فَزَعٖ يَوۡمَئِذٍ ءَامِنُونَ

Ciddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna Iyagu way Aamin Noqon.


وَمَن جَآءَ بِٱلسَّيِّئَةِ فَكُبَّتۡ وُجُوهُهُمۡ فِي ٱلنَّارِ هَلۡ تُجۡزَوۡنَ إِلَّا مَا كُنتُمۡ تَعۡمَلُونَ

Ciddiise la Timaadda Xumaan waxaa Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.


إِنَّمَآ أُمِرۡتُ أَنۡ أَعۡبُدَ رَبَّ هَٰذِهِ ٱلۡبَلۡدَةِ ٱلَّذِي حَرَّمَهَا وَلَهُۥ كُلُّ شَيۡءٖۖ وَأُمِرۡتُ أَنۡ أَكُونَ مِنَ ٱلۡمُسۡلِمِينَ

Waxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta.


وَأَنۡ أَتۡلُوَاْ ٱلۡقُرۡءَانَۖ فَمَنِ ٱهۡتَدَىٰ فَإِنَّمَا يَهۡتَدِي لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن ضَلَّ فَقُلۡ إِنَّمَآ أَنَا۠ مِنَ ٱلۡمُنذِرِينَ

iyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa Diga.



الصفحة التالية
Icon