قَالَ رَبِّ إِنِّي ظَلَمۡتُ نَفۡسِي فَٱغۡفِرۡ لِي فَغَفَرَ لَهُۥٓۚ إِنَّهُۥ هُوَ ٱلۡغَفُورُ ٱلرَّحِيمُ

Wuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee.


قَالَ رَبِّ بِمَآ أَنۡعَمۡتَ عَلَيَّ فَلَنۡ أَكُونَ ظَهِيرٗا لِّلۡمُجۡرِمِينَ

Wuxuuna Yidhi Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya Dambiilayaasha.


فَأَصۡبَحَ فِي ٱلۡمَدِينَةِ خَآئِفٗا يَتَرَقَّبُ فَإِذَا ٱلَّذِي ٱسۡتَنصَرَهُۥ بِٱلۡأَمۡسِ يَسۡتَصۡرِخُهُۥۚ قَالَ لَهُۥ مُوسَىٰٓ إِنَّكَ لَغَوِيّٞ مُّبِينٞ

Wuxuu ku Waabariistay Magaaladii Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad.


فَلَمَّآ أَنۡ أَرَادَ أَن يَبۡطِشَ بِٱلَّذِي هُوَ عَدُوّٞ لَّهُمَا قَالَ يَٰمُوسَىٰٓ أَتُرِيدُ أَن تَقۡتُلَنِي كَمَا قَتَلۡتَ نَفۡسَۢا بِٱلۡأَمۡسِۖ إِن تُرِيدُ إِلَّآ أَن تَكُونَ جَبَّارٗا فِي ٱلۡأَرۡضِ وَمَا تُرِيدُ أَن تَكُونَ مِنَ ٱلۡمُصۡلِحِينَ

Markuu Doonay inuu Qabto (Wax yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya.



الصفحة التالية
Icon