وَأَتۡبَعۡنَٰهُمۡ فِي هَٰذِهِ ٱلدُّنۡيَا لَعۡنَةٗۖ وَيَوۡمَ ٱلۡقِيَٰمَةِ هُم مِّنَ ٱلۡمَقۡبُوحِينَ

Waxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay).


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا مُوسَى ٱلۡكِتَٰبَ مِنۢ بَعۡدِ مَآ أَهۡلَكۡنَا ٱلۡقُرُونَ ٱلۡأُولَىٰ بَصَآئِرَ لِلنَّاسِ وَهُدٗى وَرَحۡمَةٗ لَّعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

Waxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore, Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo Naxariis inay Xusuustaan Darteed.


وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلۡغَرۡبِيِّ إِذۡ قَضَيۡنَآ إِلَىٰ مُوسَى ٱلۡأَمۡرَ وَمَا كُنتَ مِنَ ٱلشَّـٰهِدِينَ

Maadan ahayn Dhinaca Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka «Nabinimada» mana aadan ahay Kuwii Joogay.


وَلَٰكِنَّآ أَنشَأۡنَا قُرُونٗا فَتَطَاوَلَ عَلَيۡهِمُ ٱلۡعُمُرُۚ وَمَا كُنتَ ثَاوِيٗا فِيٓ أَهۡلِ مَدۡيَنَ تَتۡلُواْ عَلَيۡهِمۡ ءَايَٰتِنَا وَلَٰكِنَّا كُنَّا مُرۡسِلِينَ

Laakiin waxaan ahaysiinay Quruumo waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa Ehelkii Madyan Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin anagaa ku Dirray.


وَمَا كُنتَ بِجَانِبِ ٱلطُّورِ إِذۡ نَادَيۡنَا وَلَٰكِن رَّحۡمَةٗ مِّن رَّبِّكَ لِتُنذِرَ قَوۡمٗا مَّآ أَتَىٰهُم مِّن نَّذِيرٖ مِّن قَبۡلِكَ لَعَلَّهُمۡ يَتَذَكَّرُونَ

Mana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa naxariista Eebahaa Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay Waantoobaan.



الصفحة التالية
Icon