قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلَّيۡلَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِضِيَآءٍۚ أَفَلَا تَسۡمَعُونَ

Waxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan wax Maqlayn.


قُلۡ أَرَءَيۡتُمۡ إِن جَعَلَ ٱللَّهُ عَلَيۡكُمُ ٱلنَّهَارَ سَرۡمَدًا إِلَىٰ يَوۡمِ ٱلۡقِيَٰمَةِ مَنۡ إِلَٰهٌ غَيۡرُ ٱللَّهِ يَأۡتِيكُم بِلَيۡلٖ تَسۡكُنُونَ فِيهِۚ أَفَلَا تُبۡصِرُونَ

Waxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn.


وَمِن رَّحۡمَتِهِۦ جَعَلَ لَكُمُ ٱلَّيۡلَ وَٱلنَّهَارَ لِتَسۡكُنُواْ فِيهِ وَلِتَبۡتَغُواْ مِن فَضۡلِهِۦ وَلَعَلَّكُمۡ تَشۡكُرُونَ

Naxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan.


وَيَوۡمَ يُنَادِيهِمۡ فَيَقُولُ أَيۡنَ شُرَكَآءِيَ ٱلَّذِينَ كُنتُمۡ تَزۡعُمُونَ

Xusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah kuwaad Sheeganayseen.


وَنَزَعۡنَا مِن كُلِّ أُمَّةٖ شَهِيدٗا فَقُلۡنَا هَاتُواْ بُرۡهَٰنَكُمۡ فَعَلِمُوٓاْ أَنَّ ٱلۡحَقَّ لِلَّهِ وَضَلَّ عَنۡهُم مَّا كَانُواْ يَفۡتَرُونَ

Waxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been Abuuran Jireen.



الصفحة التالية
Icon