يُؤۡتِي ٱلۡحِكۡمَةَ مَن يَشَآءُۚ وَمَن يُؤۡتَ ٱلۡحِكۡمَةَ فَقَدۡ أُوتِيَ خَيۡرٗا كَثِيرٗاۗ وَمَا يَذَّكَّرُ إِلَّآ أُوْلُواْ ٱلۡأَلۡبَٰبِ

wiixuu siiyaa xigmo cidduu doono, ruuxii la siiyo xigmona waxaa la siiyey khayr Badan, wax waantoobo oon kuwa Caqliga leh ahayna majiro.


وَمَآ أَنفَقۡتُم مِّن نَّفَقَةٍ أَوۡ نَذَرۡتُم مِّن نَّذۡرٖ فَإِنَّ ٱللَّهَ يَعۡلَمُهُۥۗ وَمَا لِلظَّـٰلِمِينَ مِنۡ أَنصَارٍ

waxaad bixisaan oo nafaqo ah (sadaqo) amaad ku nadartaan ou nadar ah Eebe waa ogyahay, daalimiina gargaare uma sugnaanin.


إِن تُبۡدُواْ ٱلصَّدَقَٰتِ فَنِعِمَّا هِيَۖ وَإِن تُخۡفُوهَا وَتُؤۡتُوهَا ٱلۡفُقَرَآءَ فَهُوَ خَيۡرٞ لَّكُمۡۚ وَيُكَفِّرُ عَنكُم مِّن سَيِّـَٔاتِكُمۡۗ وَٱللَّهُ بِمَا تَعۡمَلُونَ خَبِيرٞ

haddaad muujisaan Sadaqaadka waa fiicantahay, haddaadse qarisaan ood siisaan fuqarada yaa idiin khayr badan, wuunu asturi Eebe xumaantiina (Dambiga) Eebana waxaad falaysaan wuu ogyahay.


۞لَّيۡسَ عَلَيۡكَ هُدَىٰهُمۡ وَلَٰكِنَّ ٱللَّهَ يَهۡدِي مَن يَشَآءُۗ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٖ فَلِأَنفُسِكُمۡۚ وَمَا تُنفِقُونَ إِلَّا ٱبۡتِغَآءَ وَجۡهِ ٱللَّهِۚ وَمَا تُنفِقُواْ مِنۡ خَيۡرٖ يُوَفَّ إِلَيۡكُمۡ وَأَنتُمۡ لَا تُظۡلَمُونَ

korkaaga ma saarra hanuunintoodu, Eebaase hanuuniya cidduu doono, waxaad bixinaysaan oo khay ah naftiinaa iska leh, umana bixisaan doonid Waji Eebe mooyee, waxaad bixisaan oo khayr ahna waa laydiin oofin, idinkoon laydin dulmiyeyn.



الصفحة التالية
Icon