يَمۡحَقُ ٱللَّهُ ٱلرِّبَوٰاْ وَيُرۡبِي ٱلصَّدَقَٰتِۗ وَٱللَّهُ لَا يُحِبُّ كُلَّ كَفَّارٍ أَثِيمٍ

wuxuu tiraa Eebe Ribada wuxuuna badiyaa (barakeeyaa) Sadaqooyinka, Eebana ma jeela Gaalnimo badane Dambi badan Dhammaantiis.


إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ وَأَقَامُواْ ٱلصَّلَوٰةَ وَءَاتَوُاْ ٱلزَّكَوٰةَ لَهُمۡ أَجۡرُهُمۡ عِندَ رَبِّهِمۡ وَلَا خَوۡفٌ عَلَيۡهِمۡ وَلَا هُمۡ يَحۡزَنُونَ

kuwa rumeeyey xaqa, oo Camalfiican falay, oo Oogay Salaadda, oo Bixiyey sakada waxay ka mudan ajirkooda Eebahood agtiisa, wax cabsi ah iyo murugana korkooda ma ahaato.


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ ٱتَّقُواْ ٱللَّهَ وَذَرُواْ مَا بَقِيَ مِنَ ٱلرِّبَوٰٓاْ إِن كُنتُم مُّؤۡمِنِينَ

kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada Eebe kana taga waxa hadhay oo Ribo ah haddaad Mu'mintihiin.


فَإِن لَّمۡ تَفۡعَلُواْ فَأۡذَنُواْ بِحَرۡبٖ مِّنَ ٱللَّهِ وَرَسُولِهِۦۖ وَإِن تُبۡتُمۡ فَلَكُمۡ رُءُوسُ أَمۡوَٰلِكُمۡ لَا تَظۡلِمُونَ وَلَا تُظۡلَمُونَ

haddaydaan falin (sidaas) ogaada Dagaal Eebe iyo Rasuulkiisa, haddaad Toobad keentaanna waxaad leedihiin Raasamaalkii Xoolihiina, wax dulminmaysaan idiina laydin ma dulmayo.


وَإِن كَانَ ذُو عُسۡرَةٖ فَنَظِرَةٌ إِلَىٰ مَيۡسَرَةٖۚ وَأَن تَصَدَّقُواْ خَيۡرٞ لَّكُمۡ إِن كُنتُمۡ تَعۡلَمُونَ

haddii la helo isagoo caydh ah (kan wax laguleeyahay) ha la sugo intay uga fududaato, haddaad sadaqaysataan (ka saamaxdaan) yaa idiin khayr badan haddaad ogtihiin.



الصفحة التالية
Icon