إِنَّ ٱلَّذِينَ ءَامَنُواْ وَعَمِلُواْ ٱلصَّـٰلِحَٰتِ لَهُمۡ جَنَّـٰتُ ٱلنَّعِيمِ

kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay mudan Janatu Naciima.


خَٰلِدِينَ فِيهَاۖ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٗاۚ وَهُوَ ٱلۡعَزِيزُ ٱلۡحَكِيمُ

iyagoo ku waari dhexdeeda waana yabooh Eebe oo xaq ah, Eebana waa adkaade falsan.


خَلَقَ ٱلسَّمَٰوَٰتِ بِغَيۡرِ عَمَدٖ تَرَوۡنَهَاۖ وَأَلۡقَىٰ فِي ٱلۡأَرۡضِ رَوَٰسِيَ أَن تَمِيدَ بِكُمۡ وَبَثَّ فِيهَا مِن كُلِّ دَآبَّةٖۚ وَأَنزَلۡنَا مِنَ ٱلسَّمَآءِ مَآءٗ فَأَنۢبَتۡنَا فِيهَا مِن كُلِّ زَوۡجٖ كَرِيمٍ

isaga abuuray Samooyinka Tiir aad aragtaan la'aantiis, dhulkana wuxuu ku tuuray Buuro (suga) inayan dhaqdhaqaaqin, wuxuuna ku fidiyey dhexdiisa daabad kasta, Samadana waxaan ka soo dejinay Biyo, waxaana ku soo bixiney nooc kasta oo quruxsan.


هَٰذَا خَلۡقُ ٱللَّهِ فَأَرُونِي مَاذَا خَلَقَ ٱلَّذِينَ مِن دُونِهِۦۚ بَلِ ٱلظَّـٰلِمُونَ فِي ضَلَٰلٖ مُّبِينٖ

kaasi waa abuurkii Eebe, ee i tusiya waxay abuureen kuwa ka soo hadhay Eebe, saas ma aha, ee dulmi falayaashu waxay ku suganyihiin baadi Cad.


وَلَقَدۡ ءَاتَيۡنَا لُقۡمَٰنَ ٱلۡحِكۡمَةَ أَنِ ٱشۡكُرۡ لِلَّهِۚ وَمَن يَشۡكُرۡ فَإِنَّمَا يَشۡكُرُ لِنَفۡسِهِۦۖ وَمَن كَفَرَ فَإِنَّ ٱللَّهَ غَنِيٌّ حَمِيدٞ

dhab dhaan ayaan luqmaan u siinay Xigmad iyo inuu Eebe ku mahdiyo, ruuxii mahdiya wuxuu uun u mahdiyey naftiisa, ruuxii Gaaloobana Eebe waa ka kaaftoonyahay waana amaananyahay.



الصفحة التالية
Icon