وَإِذَا غَشِيَهُم مَّوۡجٞ كَٱلظُّلَلِ دَعَوُاْ ٱللَّهَ مُخۡلِصِينَ لَهُ ٱلدِّينَ فَلَمَّا نَجَّىٰهُمۡ إِلَى ٱلۡبَرِّ فَمِنۡهُم مُّقۡتَصِدٞۚ وَمَا يَجۡحَدُ بِـَٔايَٰتِنَآ إِلَّا كُلُّ خَتَّارٖ كَفُورٖ

marka hirku daboolo dadka oo Hoos la moodo waxay baryaan Eebe iyagoo u kali yeeli Diinta (Cibaadada) markuu u koriyo xagga Barrigana waxaa ka mid noqon Dadka mid dhexdexeysan, mana diido aayadkanaga mid khaa'in ah oo gaalimo badan mooyee.


يَـٰٓأَيُّهَا ٱلنَّاسُ ٱتَّقُواْ رَبَّكُمۡ وَٱخۡشَوۡاْ يَوۡمٗا لَّا يَجۡزِي وَالِدٌ عَن وَلَدِهِۦ وَلَا مَوۡلُودٌ هُوَ جَازٍ عَن وَالِدِهِۦ شَيۡـًٔاۚ إِنَّ وَعۡدَ ٱللَّهِ حَقّٞۖ فَلَا تَغُرَّنَّكُمُ ٱلۡحَيَوٰةُ ٱلدُّنۡيَا وَلَا يَغُرَّنَّكُم بِٱللَّهِ ٱلۡغَرُورُ

Dadow ka dhawrsada Eebihiin oo ka Cabsada Maalin uusan ka abaalmarinayn Waalid Ilmihiisa, Ilmuhuna Waalidka waxba, yabooha Eebana waa Xaq, ee yeyna idinku dhagrin nolosha adduunyo, yuuna idinku dhagrin Eebe dhagar badane (shaydaan).


إِنَّ ٱللَّهَ عِندَهُۥ عِلۡمُ ٱلسَّاعَةِ وَيُنَزِّلُ ٱلۡغَيۡثَ وَيَعۡلَمُ مَا فِي ٱلۡأَرۡحَامِۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسٞ مَّاذَا تَكۡسِبُ غَدٗاۖ وَمَا تَدۡرِي نَفۡسُۢ بِأَيِّ أَرۡضٖ تَمُوتُۚ إِنَّ ٱللَّهَ عَلِيمٌ خَبِيرُۢ

Eebe agtiisuu yahay ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) iyo Roob di'iddu, wuxuuna ogyahay waxa makaanka (Ilma galeenka) ku sugan, nafna ma oga waxay mudan Barri, Nafna ma oga Dhulkay ku dhiman, Eebaa og xeelna dheer.



الصفحة التالية
Icon